12 Jir Baalashle ka ah Muqdisho oo ka qaybqatay Gargaarka dadka Yeman ka soo qaxay.
Posted by abdi on May 30 2015 22:59:37

Sharma’arke waxa uu ka soo baxaa xaafaddiisa xilli hore waxa uuna soo aadaa degmada Xamarweyne halkaasi oo ah meel ay ku yaqaanaan.


Extended News

Sharma’arke waxa uu ka soo baxaa xaafaddiisa xilli hore waxa uuna soo aadaa degmada Xamarweyne halkaasi oo ah meel ay ku yaqaanaan macaamiishiisu, wuxuu maalintii shaqeeyaa lacag dhan 3 ilaa 4 dollar una dhiganta 80 kun sh so, wuxuuna ka mid noqday dadka ka qayb qaatay inay taakuleeyaan dadka ka soo qaxaya Yemen.

 

Su’aalihii la waydiiyey Sharma’arke ayaa ahaa


S. Maxaad bixisay maxaadse ku ogaatay in dad la caawinayo?

J.Waxaan fadhiistaa jardiinka hoose ee guriga hooyooyinka ee xaafadda Xamarweyne, halkaas oo aan kabaha ku caseeyo. Waxaan soo baxay gurigeenii xilli hore waxaan soo raacaa gaari waxaan imaaday Xamarweyne si aan uga shaqeeyo dadka macaamiisha ii ah, idacad ka shidnay gaarigaan soo raacay ayaan ka dhegeystay codadka dad haween carruuro wata oo runtii aad ii damqay, anniga waxaan ku yaboohay lacag dhan $1, waxaan u dhiibay guddigaan oo markaas ku sugnaa guriga hooyooyinka, kana waday lacag ururinta.

S. Maxaad dareentay markaad bixisay?

J. Waxaan dareemay runtii farxad ,waayo anniga qoyskayga ayaa ku jira nolol adag, waxaa tiro ka saddex goor nalaga saaray xeryo barakaca oo aan deganayn sida tii u dhowayd Airporka 2011, xeraddii agagaarka ciidamada asluubta bishii March 2015, markii horena waxaa nalaga soo raray deegaanka Celasha Biyaha sanadkii 2010 , marka qoys hooyo ah oo carruur wadata oo xitaa aan haysan meel ay ku hoyato ayaa I damaqday

Hargeysa Online