Caasimada Hargeysa oo laga furay Warshadii ugu horeysay oo farsameynaysa taayarada gaadiidka.
Posted by abdi on June 02 2015 21:20:09

Ganacsato reer Somalilander ah ayaa markii ugu horreysay ka hirgeliyay magaalada Hargeysa warshad lagu farsameeyo Taayirada Gaadiidka oo casir ah.


Extended News

Ganacsato reer Somalilander ah ayaa markii ugu horreysay ka hirgeliyay magaalada Hargeysa warshad lagu farsameeyo Taayirada Gaadiidka oo casir ah. Iyadoo Qalabka ay Warshadan laga keenay Shiinaha, taayirada ay soo saartana loo iib-geyn doono Gudaha Somaliland iyo Deegaannada kale ee Soomaalidu degto. Maareeya Warshaddan Yuusuf Axmed Cali oo Wareysi Siinayay BBC-da ayaa sheegay in Warshaddu ay soo saari doonto dhamaan Taayarrada Gaadiidka Noocyadooda kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Cagaf-cagafyada Beeraha. “Waxaanu doonaynaa inaan mustaqbalka dhow soo saarno Taayarro cusub, laakiin hadda waxaan dib u farsamaynaa taayirrada gaboobay, si mar kale loo isticmaalo,” ayuu Yuusuf Axmed yiri, isagoo intaas ku daray in qalabka warshadda ay kasoo iibiyeen dalka Shiinaha. Mar uu ka hadlayay shaqaalaha ka shaqeeya ayuu xusay inay ka shaqeeyaan dad Soomaali ah, kuwaasoo ay tababarro siiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha shirkaddii ay kasoo iibiyeen qalabka, isagoo yiri. “Shaqaalaha Soomaalida ah ayaa ka badiyay kuwii Shiineyska ahaa.” Su’aal ahayd, inay suuq u heleen taayarrada ay sameeyaan, ayuu yiri. “Haa waanu u helnay suuq… waxaana lagu isticmaalaa gudaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa laga soo dalbaday Itoobiya iyo Soomaaliya, si wanaagsan ayaana loo isitmcaalaa.” Yuusuf Axmed Cali ayaa waxaa kaloo la Weydiiyay sababta ku kalliftay inuu Warshaddan sameeyo iyo inuu Aqoon u leeyahay Gaadiidka iyo in kale, Wuxuuna ku Jawaabay; “Maya aqoon uma lihi gaadiidka, balse howl walba oo la qabanayo waxaa asal u ah baahida jirta… waxaanan ogaaday in baahi loo qabo taayarrada gaadiidka ay ka jirto Somaliland, markaas ayaana billaabay inaan Warshaddan hirgelinno, dabcanna faa’iido doon ayaanu nahay.” Waxaa kaloo la weydiiyay inuu Ganacsade ahaa iyo in kale, Wuxuuna Sheegay inuu ahaa ganacsade, uuna ka faa’iideystay baahida jirta ayaanu hal-abuurka la imi oo aan sameeyay Warshaddan. “Maalintii waxay soo saartaa hadda inta u dhexeysa 50 illaa 60 Taayar, laakiinse Waxaan u Doonaynaa Mustaqbalka dhow inaanu Maalintii soo saarno 100 illaa 110 Taayar,” ayuu ku daray hadalkiisa milkiilaha Warshadda Taayarrada ee Hargeysa. Yuusuf ayaa xusay inay howshan gacan ka siisay Dowladda Hoose magaalada Hargeysan, isagoo u mahad-naqay Duqa Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid, isagoo Sheegay in dhaqaale badan uu ku baxay Dhismaheeda. “Dhowrkii Todddobaad ee Warshaddu Furnayd Waxaa nala-ga iibsaday 100 Taayar oo ay Warshaddu Farsameysay, waxaana ka howlgala 28-shaqaale ah oo Somali u badan,” ayuu hadalkiisa ku daray Yuuusuf Axmed Cali. Ugu dambeyn, Milkiilaha Warshadan Yuusuf Axmed ayaa xusay in qorshahooda uu yahay inay soo saaraan dhawaan kabo, kaddibna ay soo saari doonaan Rabarrada ay Isticmaalaan Warshadaha ku yaalla Somaliland oo dhan.

Hargeysa Online

warshadda_taayarrada_hargeysa203.jpg

warshadda_taayarrada_hargeysa201.jpg

warshadda_taayarrada_hargeysa202.jpg