Dowladda Mareykanka oo Xilliga u Kordhisay Sharciga ay haystaan Dadka Soomaalida ah.
Posted by abdi on June 02 2015 21:33:03

Wasaaradda Amniga Qaranka Dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in Soomaalida ku nool Mareykanka ee sharci la’aanta.


Extended News

Wasaaradda Amniga Qaranka Dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in Soomaalida ku nool Mareykanka ee sharci la’aanta ama sida ku meel-gaarka ah u jooga Maraykanka loo ogolaanayo in Sharciyada KMG-ka ah loo kordhiyo muddo 18 bilood ah.


Arrinta ayaa saamayn ku yeelanaysa dadka Soomaalida ah ee aan haysan sharciga dalkan Maryaknka.

Xoghayaha Aminga Qaranka ee Marykanka, Jeh Johnson ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku shaaciyay in Dowladda Maraykanku ay ogolaatay in muddo 18 bilood ah loo kordhiyo sharciyada KMG ah ee TPS dadka haysta dhalashada Soomaaliga ee ku sugan Gudaha Maraykanka.

C/naasir Maxamed C/llaahi oo ah Sharci-yaqaan ka Hawlgala Gobolka Minnesota ee ay ku badan yihiin Soomaalida ku nool Mareykanka ayaa laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ugu Warramay Sharcigan iyo Ahmiyadda uu leeyahay.

Helista Sharcigan ayaa u baahan in lasoo buuxiyo codsiyo gaar ah oo loogu talo-galay sida uu faahfaahinayo sharci-yaqaan C/naasir Maxamed. Iyadoo Tallaabadan ayaa Rajo badan gelinayso dadka sida KMG-ka ah u joogay dalka Maraykanka.

Xukuumadda Washington ayaa go’aankan ku saleysa Xaalaadda ka taagan Somalia oo aan imika saamaxayn in hay’adaha socdaalka ee dalka Maraykanku ay dadka bilaa sharciga ah ugu celiyaan dalkooda Somalia.

VOA