Al-shabaab oo Mar kale la Wareegtay deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.
Posted by abdi on June 02 2015 21:39:13

Xoogag ka Tirsan Al-shabaab ayaa mar kale Gudaha u galay Tuulooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi-bari-Kenya, halkaasoo ay muddo kooban ku hayeen gacanta.


Extended News

Xoogag ka Tirsan Al-shabaab ayaa mar kale Gudaha u galay Tuulooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi-bari-Kenya, halkaasoo ay muddo kooban ku hayeen gacanta.

 

Tuulooyinka ay Galeen Xoogagga Al-sabaab ayaa ka tirsan Magaalada Mandheera ee ku taalla Soohdinta ay Soomaaliya la wadaagto Kenya, iyadoo magaaladan ay dhowr jeer oo hore Al-shabaab uga geysatay weerarro ay dad badan ku dileen.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool deegaannadaas ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay khudbad u jeediyeen shacabka, iyadoo aan wax dhib ah oo ay ka geysteen tuulooyinka ay la wareegeen gacan ku hayntooda.

Wararka Qaarkood ayaa sheegaya in Iskuuladii Deegaanka Albaabada loo laabay kaddib markii laga baqay weerarro ay Al-shabaab soo qaaddo, iyadoo dad badan oo boqolaal qof ah ay ka barakaceen Gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Xildhibaanka laga soo doorto magaalada Mandheera, Bilow Aadan Kerow ayaa ku sheegay Weerarrada Al-shabaab ka geysanayso Gudaha Kenya inay Dhibaato ku yihiin Guud ahaan Amniga Gobolkaas iyo Deggenaashihiisa.

Mudane Kerow ayaa intaas ku daray in Dowladda looga baahan yahay inay si deg-deg ah wax uga qabato ammaan-xumada ka jirta gobolka oo saameyn weyn ku yeelatay shacabka Gobolkaas ku nool oo dhan.

Al-shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay la wareegtay deegaanno ka tirsan Waqooyi-bari Kenya, iyadoo calanka lagu yaqaan ka taagtay, waxaana cabsi badan ay soo wajahay dadka nool Gobolkaas iyo Dadkii kale ee Kenyaanka ahaa ee ka Howlgalayay sida Macallimiinta Iskuullada.

Hargeysa Online