In ka badan 20 qof oo ay Xukuumadu Xabsiga u dhigtay arinta Macdan Qodista Laga Wado Buuraha Simoodi.
Posted by abdi on June 02 2015 21:46:01

Xukumadda Somaliland ayaa xabsiga dhigtay dad ka badan 20 qof oo ah waxgaradka iyo dadweynaha degaanka Baki ee gobolka Awdal. 


Extended News

Xukumadda Somaliland ayaa xabsiga dhigtay dad ka badan 20 qof oo ah waxgaradka iyo dadweynaha degaanka Baki ee gobolka Awdal. Dadkan ayaa cabasho ka muujiyay hawlo macdan qodis ah oo shirkad Shiinaha laga leeyahay ka wado Buuraha Simodi.

 


Maxamed Axmed Cali, duqa degmada Baki, ayaa BBC-da u sheegay in dadkaasi loo xidhay cabasho ay sameeyeen oo ku salaysan inaanay ogolayn macdan baadhista ka socota Buuraha Simoodi ee degaankaasi ka tirsan.
Wararka laga helayo arrintan ayaa sheegaya in dadkaasi cabasho ka muujiyeen balanqaadyo Xukumadda Somaliland dadka degaanka u samaysay markii hawsha macdan baadhistu ka bilaammaysay degaanka iyo in shaqaale hawlaha macdan baadhista ka shaqaynayay oo degaanka ah shaqada laga caydhiyay.

Suldaan Ibraahin Cabdi, oo ka tirsan hogaanka dhaqanka degaanka, ayaa sheegay inay dalbanayaan in dadka degaanka loo fuliyo ballamaha loo qaaday, islamarkaana Xukumaddu caddayso waxay dadkaasi ugu talo gashay.

Suldaanku waxa uu sheegay inay doonayaan in Shirkaddu shaqada ku celiso dad degaanka ah oo ay shaqada ka Eriday, in dadka degaanka loo fuliyo adeegyo loogu ballan qaaday oo aan fulin, in Xukumaddu caddayso saamiga dadka degaanku ku leeyihiin wixii ka soo baxa Macdanta shirkaddu ka qodayso degaankooda iyo in la caddeeyo inaanay khatar caafimad lahayn macdanaha laga qodayo halkaasi iyo warshadaha la isticmaalayo.
Xukumadda Somaliland , gaar ahaana wasaaradda macdanta iyo tamarta oo hawlaha macdan baadhista gacanta ku haysa ayaan wali ka hadal walaaca bulshada degaanka oo soo noqnoqday balse waxay hore wasaaraddu u sheegtay in dadka degaanka la siinayo saamiga ay xaq u leeyihiin ee dhinaca shaqada iyo in adeegyo waddooyinka iyo biyuhu ka mid yihiin dadka loo samayn doono.