Badhasaabka Awdal oo Si Cadho leh uga Jawaabay Cabdirashiid Xasan.
Posted by abdi on June 17 2015 21:07:37

Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax), ayaa si cadho leh uga jawaabay Hadallo dhawaan..


Extended News

Borama(Hargeysa Online)Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax), ayaa si cadho leh uga jawaabay Hadallo dhawaan kaga yimi Dhinaca Musharraxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan-mataan, waxana uu iska difaacay eedahaas oo ahaa qaar uu sheegay in shakhsiyaddiisa lagu weeraray.

 

Ramaax oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Borama, ayaa tilmaamay inuu si weyn u dhibsaday Hadal kaga yimi Cabdirashiid Xasan-mataan, waxana uu si cad u sheegay inaanu ahayn cidda lagu sheegay.

Mudane Ramaax oo Jawaabta hadalkaas uu dhibsaday bixinaya, ayaa Hadalkiisa sidan ku bilaabay,

“Cabdirashiidow ninka aad moodayso ma ihi, ma ihi mid meel aan la garanayn laga keenay, aad baan udhibsaday. Nin la garanayaan ahay meesha uu kasoo jeedana la garanayo Hooyadiina nin aan la xaman jirin baan ahay.”

Xurgufta labadan siyaasi ayaa salka ku haysa Dhaliilo uu dhawaan Musharraxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Ucid huwiyey Guddoomiye Ramaax, kuwaas oo keenay inuu Ramaax sida fiinta uga qayliyo Hadalladaas.

Hargeysa Online