Madaxweyne Siilaanyo Oo Socdaal Ku Tagay Degaannada Faroweyne.
Posted by abdi on June 17 2015 21:28:52

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada.


Extended News

Hargaysa(Hargeysa Online)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, badhasaabka Maroodijeex iyo maayarka Hargeysa, ayaa socdaal ku tagay degmada Faroweyne ee ku taala xuduudka Somaliland iyo Ethiopia, kana tirsan gobolka maroodijeex.

 

Ujeedada Socdaalka madaxweynaha waxaa lagu sheegay xogogaal u noqoshada xaaladda nololeed ee bulshada halkaasi ku nool iyo xadhig ka jarista mashaariic xukumaddu hirgalisay oo socdaalo hore madaxweyne Siilaanyo dhagax dhigay.



Madaxweynaha ayay Idaacadda dawladdu sheegtay in si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Faroweyne iyo tuulooyinka hoos yimaada. Waxa uu madaxweynuhu degmada Waddo-makaahiil ku wareejiyay gaadhi Ambalaas ah, waxaanu xadhiga ka jaray Riig biyood.

Madaxweynaha ayaa shacabka u sheegay inay baahiyahooda wax ka qaban doonaan islamarkaana aanay waxba ka hagran doonin, iyadoo wasiirada la socday,badhasaabka iyo duqa Hargeysa u balanqaadeen inay hirgalin doonaan baahiyaha ay kala qaabilsan yihiin ee degaanka ka jirta.

Hargeysa Online