Nin askar ugu geystey dhaawac iyo dhimasho shalay Caasimada Hargeysa.
Posted by abdi on June 22 2015 21:58:42

Alle Ha U Naxariistee,Askari ka tirsan ciidanka bilayska Somaliland oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Catoosh ayaa dhintay askari kale oo magaciisa lagu sheegay.


Extended News

Hargeysa (Hargeysa Online)Alle Ha U Naxariistee,Askari ka tirsan ciidanka bilayska Somaliland oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Catoosh ayaa dhintay askari kale oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cumar Caloolay isna dhaawac halis ah ayaa soo gaadhay kadib markii ay isku dayeen inay xoog ku soo qabtaan nin waaran soo qabasho ah loogu dhiibay kaasi oo la sheegay inuu mid ka mid ah askarta xoog kaga qaatay qorigii uu ku hubaysnaa dabadeedna uu rasaas la dhacay labadaasi askari,ninkaasi oo la sheegay in markii uu falkaasi fuliyay uu baxsaday oo ay saacado badan ciidamada Amaanku raadinayeen meel uu jaan iyo cidhib dhigay balse sida la sheegay Galabnimadii ayay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiig lahaasi. Sida warkani nagu soo gaadhay,labadan askari ayaa waxa ay ka mid ahaayeen ciidanka bilayska Saldhiga Daloodha ee Xaafada 26-june ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa,waxaanay shalay galinkii hore u baxeen Hawlgal ay ku soo qabanayeen Waaran soo qabasho ah oo Saldhigooda ka soo gaadhay Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ee Magaalada Hargeysa, taasi oo maxkamadu ku amartay saldhiga Koodbuur inay soo qabtaan nin degan xaafada Saldhigaasi ku yaalo oo maxkamadu u baahnayd,balse sida la sheegay markii ay labadaasi askari heleen ninkii loo diray inay soo qabtaan ee ay isku dayeen inay xoog ku soo kaxeeyaan waxa uu si kedis ah qorigii uu sitay uga faro maroojiyay mid ka mid ah labadii Askari isagoo rasaas ooda kaga qaaday halkaani labadii askari sida warkani nagu soo gaadhay midna ku dilay midna dhaawac halis ah soo gaadhsiiyay. Warkan ayaa intaa ku daray in ninkaasi markii uu falkaasi fuliyay uu meesha iskaga baxsaday isagoo la tagay qorigii ciidanku lahaa ee uu falka ku fuliyay.Waxa askarigii dhintay la dhigay qolka Meydka halka askarigii kale oo la sheegay inay xaaladii Caafimaad aad u liidato xalay lagu daawanayay Cisbitaalka Weyn ee Magaalada Hargeysa. Markii uu falkani dhacay waxa ay ciidanka bilaysku isku balaadhiyeen dhamaan xaafadihii iyo jidadkii ka agdhawaa halka uu falkaasi ka dhacay, waxa ay xidheen jidadka woqooyi uga baxa magaalada Hargeysa iyagoo baadhis xoogan ku hayay Gaadiidka woqooyi uga baxa Magaalada Hargeysa balse isla Shantii Galabnimo ayay Ciidanka Amaanku ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan ninkaasi,waxaana uu Xalay ku xidhnaa oo la keenay Saldhiga Degmada Ibraahim Kood Buur.

Hargeysa Online.