Beelaha Garxajis Oo Hargeysa Ku Kulmay iyo Qodobada Laga Soo Saaray.
Posted by abdi on June 30 2015 23:48:01

Waxaa maalintii axada bisha june aheyd 28kii 2015, ku kulmay hotel Ambassador Hargeysa haldoorka beelaha GARXAJIS oo ay ku jireen salaadiin.


Extended News

Waxaa maalintii axada bisha june aheyd 28kii 2015, ku kulmay hotel Ambassador Hargeysa haldoorka beelaha GARXAJIS oo ay ku jireen salaadiin, cuqaal, odayaal , siyaasiyiin , waxgarad, aqoonahan , ganacsato iyo dhalinyaro.

Waxaa shirka lagu falanqeeyey xaaladda dalka , Ilaalinta midnimadda Iyo nabadgeliyadda bulshada Somaliland iyo madaxbanaanida iyo gooni isku taaga qaranimadda Somaliland. Waxaa kale oo shirka lagaga hadley midnimadda,wadajirka iyo wax-wadaqabsiga lagama maarmaanka u ah danaha beelaha GARXAJIS. Waxaana shirka lagu lafaguray tabashooyinka iyo caqabadaha lagaga gudbi karo ee hortaagan higsiga guud ee beelweynta Garxajis.

Wuxuu shirku qiray inuu kulanku ahaa mid muhiim u ah danaha Beelaha Garxajis wakhtigiisuna Joogay. Horseedna u noqon kara wadatashi balaadhan oo loo baahanyahay in la sii wado oo dhalina kara natiijooyin wax ku ool ah oo ka Jawaabaya danaha Beelaha Garxajis.

 

Sababahaas awgeed wuxuu shirku go’aamiyey:

1.In la sii wado wadatashiga, waxaana loo xilsaaray guddi ku meel gaadh ah oo ka kooban 14 ( Afar iyo toban ) xubnood iyo xogheyn, farsamo ahaan, ku caawin doonta fulinta go’aamada oo ka kooban 6 (lix qof).Waxayna guddidan ku meel gaadhka ahi ka iman doonaan dhamaan xubnaha shir gudoonka iyo xubno kale oo la soo xulay.

2.Guddidu Waxay hawsheedu noqon doontaa dhameystirka qabanqaabadda shirweynaha ” SAMA-KA-TALIS”ee Beelaha Garxajis oo la qaban doono dhamaadka sanadka 2015.

3.Waxaa Shirku ugu baaqay dhamaan xubnaha beelaha Garxajis ee degan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba in ay af iyo adinba ku taageeraan shirweynaha, suurogaliyaana helitaanka, sida ugu degdegsan, miisaaniyadda ku baxaysa shirweynaha.

4.Ugu danbeyn, wuxuu shirku ugu baaqay beelaha Somaliland ee walaalahood ah Nabad, Is-qadarin , wada Noolaansho gacaltoyoiyo in la wada ilaashado Jiritaanka qaranimada somaliland.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Waxaa Saxeexay:

Beesha Daud Ismail ( Ciidagale)

1.Suldan Maxamed Suldan Cabdiqadir

Suldaanka Guud ( Dalka Dibadiisa ayuu hada ku maqan yahay)

2.Boqor Raabi

3.Suldan Cali Baane

4.Suldan Axmed Cisman ( Cadagude)

5.Suldan Maxamed Cabdilahi (Galaal)

Beesha Siciid Ismaaciil ( Habar yoonis)

1.Suldan Maxamed Suldan Xirsi Qani

Suldaanka Guud

2.Suldan Cabdirahman Cabdilahi Good

3.Suldan Nuur Faarax Xuseen

4.Ugaas Xuseen Xaaji Geele Abokor.

5.Chief caaqil Axmed Keyse Mohamed Dahir.

 

Hargeysa Online