Hargeysa Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Saddex Qof Oo Shalay Shil Baabuur Ku Geeriyooday.
Posted by abdi on June 30 2015 23:56:59

Allaah haw u naxariistee Waxa maanta aas Qaran loogu sameeyay Xabaalaha Naaso Hablood ee duleedka Hargeysa Marxuum Suxufi Maxamed Daa’uud.


Extended News

Allaah haw u naxariistee Waxa maanta aas Qaran loogu sameeyay Xabaalaha Naaso Hablood ee duleedka Hargeysa Marxuum Suxufi Maxamed Daa’uud, Agaasimihii Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Maaliyada Wali Daa’uud Cigaal iyo Ilaaladii Wasiirka Maaliyada Muuse Madoobe.




Marxuum Maxamed Daa’uud, Wali Daa’uud Cigaal iyo Marxuum Muuse ayaa u dhintay shil baabuur oo ka dhacay Tuulada Aw Barkhadle ee u dhaxaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Waxa Aaska Ka Qayb Galay Madaxweyne Xigeenka Somaliland Masuuliyiin, Saxafiyiin iyo boqolaal daweyne ah oo ka murugaysan geeridan naxdinta leh ee dhacday waxaana halkaasi ka hadlay masuuliyiinta iyo saxafiyiinta ka qayb galay aaska oo tacsi u diray qosaskii iyo qaraabadii ay ka bexeen marxuumiintani,
waxaanay ILAAHAY uga baryeen inuu jannadii ka waraabiyo umadda reer somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaah Haw U Naxariisto saddexdaasi marxuum oo ka mid ahaa foolaadka bulshada somaliland.