Ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo Dilay Xildhiban Xassan Cawaale.
Posted by abdi on July 03 2015 22:16:18

Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa Maanta Garaacay  Xildhibaan Xasan Cawale  oo wakhtigaasi ka soo baxay Madaxtooyada.


Extended News

 

Hargeysa(Hargeysa Online) Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa Maanta Garaacay  Xildhibaan Xasan Cawale  oo wakhtigaasi ka soo baxay Madaxtooyada, dad goob joog ahaa oo Hargeysa Online u waramay ayaa sheegay in Xildhibaanka oo ka soo baxay Madaxtooyada uu arkay Xildhibaan kale oo ay Ciidanka Madaxtooyadu Garaacayaan waxaanu is yidhi ka qabbo basle isagiina way ku dareen, Xildhibaanka hore ee ay Dilayeen Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu ayaa isna ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha wakiilada.

Xildhibaan Xassan Cawaale ayaa dhawacii ay u geysteen Ciidanka Madaxtooyadu u jiifa Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo wakhtigan lagu daweynayo, waxaana wararku sheegayaan in Dhawaac culus ay gaadhsiyeen Xildhibaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali warancade ayaa ku booqday Xildhibaan Xassan Cawaale Cisbitaalka, inka oo aanu wali ka hadal dhacdadan dhawaca loogu geeystay xidhibaanka.

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.