Madaxweyne Siilaanyo Oo Casho Sharaf Ku Maamuusay Culimada Dalka.
Posted by ifraax on July 13 2015 19:37:53

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Afur iyo casho sharaf u sameeyey shuyuukhda dalka iyo Laba wiil oo kaalmaha koowaad ka galay tartankii Qur'aanka Kariimka ah .


Extended News

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Afur iyo casho sharaf u sameeyey shuyuukhda dalka iyo Laba wiil oo kaalmaha koowaad ka galay tartankii Qur'aanka Kariimka ah ee lagu qabtay Sucuudiga iyo Kuwayd.

Hargeysa (Xafiiska Afhayeenka) Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo waxa sidii u caadada ahayd uu bisha ramadaan 10 keeda danbe kulan afur iyo casho sharaf ah ku qaabilaa Culimada Dalka oo dhan kuwaasi oo ka kala yimaada gobolada dalka dhamaantood, kulankan oo ah mid qiimo gaara u leh shuyuukhda dalka, oo sanadkiiba mar ku kulma qasriga madaxtooyada lana caweeya madaxweynaha qaranka iyaga oo u gudbiya fikiradooda iyo talooyinka dhaxal galka ah ee ay u jeediyaan madaxweynahooda, qiimeeyey ee qadariyey isuguna yeedha Ramadaan kasta intii uu talada dalka hayey. kulankan oo ahaa mid laba weji xambaarsan ayaa ahaa mid sidii caadada ahayd ay isku waraysanayeen culimada iyo madaxweynuhu.

dsc_00072.jpg

dsc_00213.jpg

dsc_00473.jpg

wejiga labaadna waxa uu daarnaa in madaxweynuhu hambalyeeyo soona dhaweeyo oo uu xuso laba wiil oo dalka iyo dadkaba u soo hooyey guul iyo sharaf wax ku ool ah oo ay ka soo hooyeen tartankii qur'aanka kariimka ahaa ee ka qabsoomay wadamada carabta gaar ahaan Sucuudiga iyo Kuwayd, oo ay labadan wiil ku soo gulaysteen iyaga oo metelaaya qaranka Somaliland kaalmaha koowaad ee tartanka qur'aanka kariimka ah. iyada oo ay xusid mudan tahay in wiilka lagu magacaabo cabdirisaaq Maxamuud Xirsi oo da'a diisu tahay 12 sano jir uu kaalinta koowaad u galay 15 dal oo ay somaliland ka mid ahayd, waxaanu cabdirisaaq noqday wiilkii ka socday somaliland ee ku guulaysta tartanka ka dibna dalka ayuu dib ugu soo laabtay iyada oo soo dhawayn balaadhan loo sameeyey madaxweynuhuna uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay isaga oo ay wehelinayaan culimada dalka ugu waa weyn intoodii badnayd oo ka kala yimid dalka oo dhan. halka wiilka labaadna uu ahaa tartame ka qaybgalay tartan qur'aan oo lagu qabtay dalka Kuwayd kaas oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali oo isna 60 dal kaga guulaystay tartanka quraanka kariimka ah oo ay ku tartamayeen 60 dal. waxa kulankan culimada iyo wiilasha ku wehelinaayey waalidkooda iyo macalimiintii wax soo baray caruurtan oo iyana lagu marti qaaday kulankan. waxa madashaasi qiimaha badan hadalo ka jeediyey wasiiro, culimo aw diinka dalka iyo madaxweynaha. Dhamaantoodna waxay culimadu ka hadleen Arrimaha dalka iyo qiimaha kulamada noocan oo kala ahi ay u leeyihiin dalka iyo dadkaba waana lagama maarmaan in madaxweynaha dalka iyo culimadu ay iska xaal waraystaan xaalada guud ee dalka madaama aynu nahay dal muslin ah 100%. Culimadii halkaasi ka hadashay waxa ay kala ahaayeen, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, sheekh Aadan Cabdilaahi , Cabdalle, Agaasimaha Xafiiska Sekeda, Sheekh Siciid Faarax Jire, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar, Sheekh Maxamuud aw Suufi, Sheekh Cabdiraxmaan Albaani, Sheekh Cabdiraxmaan Axmed, iyo Sheekh Maxamed Cali Gadhle. waxa kale oo madasha ka hadlay Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo culimada uga mahadnaqay sida sharafta iyo karaamada leh ee ay u soo ajiibeen iyaga oo gobolo fog-fog ka yimid culimada intooda badani, kuna dhiirigeliyey in wada shaqaynta iyo xidhiidhka culimada iyo dawladu uu muhiim yahay. isaga oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey madasha. Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo halkaasi ka hadlayna waxa uu culimada ku baraarujiyey inay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta iyo adkaynta nabadgelyada dalka madaama oo shacbigeenu ay yihiin ayuu yidhi madaxweynuhu dad isku duuban oo jecel horumarka iyo isku duubnida dadkooda, waad ogtihiin oo waxa aynu haysanaa shacbi dedaal badan oo ka shaqaysta maalgelinaya dalkooda madaama dalku ku sii siqaya marba marka ka danbaysa horumar balaadhan iyo culimadii iyo dawladii oo la barbartaan dhiirigelin tusaalayn.

 

ALLAA MAHAD LEH -