Warmurtiyeed ay soo saareen qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale)
Posted by ifraax on July 21 2015 06:10:25

Annaga oo ku hadlayna magaca ururka Gaaroodi iyo magaca qurba joogga beesha Daa,uud ismaaciil (Ciidagale) waxaanu ku hambalyeynaya ummadda muslimiinta ah.


Extended News

Bismillaahi Arramanirraxeem.  Ummada muslimiinta ah gaarahaan reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.


Annaga oo ku hadlayna magaca ururka Gaaroodi iyo magaca qurba joogga beesha Daa,uud ismaaciil (Ciidagale) waxaanu ku hambalyeynaya ummadda muslimiinta ah gaarahaan shacabka reer Somaliland munaasibadda maalmaha ciidda ah ee barakaysan,waxaanu Allaah subxaana wa tacaala ka baryeyna in uu innaga aqbalo soomkii bishii Ramadaan ee aynu soo gudannay,waxaanu kale oo ka baryeyna in uu inta dhibaataysan ka saaro waxa dhibaya muraaddada khayrka lehna inoo fududeeyo,dalka Somaliland ee dadkiisu aqoonsanyahayna rabitaankooda uga suurgeliyo caalamka.


Annaga oo ka faa,iidaysanayna munaasibadda ciidda waxaanu ku waaninayna in ay madaxdhaqameedka reer Somaliland ilaaliyaan milgaha cumaadda ay beelaha u sidaan oo aanay ku dhex milmin siyaasadda is bedbedelaysa waayo siyaasiga waa la beddela laakiin madaxdhaqameedka lama beddelo,madaxdhaqameedku waa samo taliye,ilaaliye isku duubnida iyo horseedka nabadgelyada kana dhawrsoon aflagaaddo ,abuurid fidno kana digtoonaada siyaasi ujeeddo u gaara leh.

Waa lagama maarmaan in uu jiro hoggaan keliya oo madaxdhaqameedka isku haya waayo Somaliland waa beel keliya oo dal wada leh.



Wa billaahi towfiiq
Guddoomiyaha jaalliyadaha, 
qurbajoogga beesha badhatamaha,
,bariga iyo koonfurta Hargaysa,
ahna G/ku xixeenka Ururka Gaaroodi
Deggen UK.Deeq Cabdi Digale