Somalia oo sheegtay inay diyaar u tahay in gacan ay ka Geysato Baaritaanka SOMA OIL & GAS.
Posted by ifraax on August 03 2015 20:44:09

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay gacan ka geysanayso baarista lagu sameynayso eedeymo loo haysto SOMA OIL & GAS Exploration Limited.


Extended News

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay gacan ka geysanayso baarista lagu sameynayso eedeymo loo haysto SOMA OIL & GAS Exploration Limited (SOMA), taasoo la sheegay inay ku lug yeelatay Musuq-maasuq.


Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Somalia ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay inay diyaar u tahay wada-shaqeyn buuxda oo arrintan baarista ah ku saabsan haddii laga codsado.

“Waxay wasaaraddu qiraysaa inay 24-kii Abriil, 2014-kii, la Saxiixatay Shirkadda SOMA heshiis ku saabsan in Shirkaddu ay ka Caawiso Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta DFS Kobciso Awoodeeda Waxqabad si ay u fuliso Howlaha loo xil-saaray,” ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka Wasaaradda Bartoolka iyoMacdanta.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay sheegtay in soo kabashada dhaqaalaha dalka ay muhiim u tahay Xasilloonida dalka. Keydadka Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya waa hanti Qaran oo ay tahay in la isticmaalo; taasoo ay danta Qaranku ku jirto.

“Innaga waxaa naga go’an inaan hadafkeena ku gaarno wada-shaqeyn iyo Musuq-musuq la'aan,” ayaa lagu soo gunaaday Warsaxaafadeedka Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Si kata oo ay tahay, Hadalka Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor ay xukuumadda Britain sheegtay inay ku sameynayso baaris musuq-maasuq lagu soo eedeeyay Shirkadda SOMA OIL oo laga leedahay dalka Britain.

HargeysaOnline