Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Dhaliilay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Dhaca.
Posted by ifraax on August 03 2015 20:57:28

Suldaanka guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.


Extended News

Suldaanka guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.

 

Waxa uu suldaanku sheegay in madaxweynuu ku foogan yahay burburinta oday dhaqameedyada Somaliland, isaga oo xasuusiyay dhaliilahii uu xukuumadii Rayaale ugu jeedin jiray arimaha doorashooyinka, waxaanu sidan ku sheegay shir jaraaid oo uu warbaahita kula hadlay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu halkaas ku soo gaadhnay dimuqraadiyad qabyaalad ku dheehan, xukuumadihii hore way ilaashan jireen dhaqanka oo birmagaydo ayay ahaayeen oo talo ayay ka waydiin jireen qaranka iyo qabiilkaba waxaad moodaa xukuumadan Axmed Maxamed Siilaanyo inay umadan meel walba oo ka dhaqaaqaysa ay baabiso oo tirtirto, waynu ognahay maanta golayaasheenii qaranka oo wax caqli fayow oo xor ah sadex nin laga helaayo oo inta kaleba aad arkayso waxa haysa iyo sida ay farta isaga taagayaan, waxaynu arkaynaa warbaahintii oo cagajuglayn badan lagu hayo oo la laalaabayo, waxa muuqda dhaqankii oo fargalin lagu hayo sida beeshan Magaado, waxa la yidhi karis xun iyana wax ku la’a, xukuumadii damalkii ay ku fadhidee dhaqanka haday goyso iyaduna waxbay ku la’dahay, waanu ognahay oo kama agwareegno lama xaajoono, madaxweynahaas waxa noogu danbaysay maalmihii ugu horaysay ee la soo doortay, waayo waxaanu ognahay inay sabool ka yihiin dhankii, madaxweyne Rayaale waxa uu dalkan ku waday casho isgu keen keena, Cigaal la mid laakiin xukuumadan waxaad moodaa mid faranji.


Suldaan Xasan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaad arkaysaan salaadiintii oo tilifishanada la soo joojinaayo oo la leeyahay wax taageera, suldaan wax ma taageero ee waa uu taliyaa. waynu la wada soconaa xaaladii dalkeena maanta oo maanta meel inoo fayow ma jirto, waxaad arkaysaan guurtidii loogu talo galay daminta khilaafaadka dalkan ayaa iyagii maanta khilaafkii waaxda ugu weyn ka ah oo dabka ugu weyn hurinaaya, dawlad bukootay ayay noqdeen wax la sii eeganayana maaha ee waxa inoo furan waa salaadiintii oo iyagana caynka loo galay aynu aragno waanay jiraan qaar badan oo maanta inooga bad qaba waxyaabahaas ay dawladu dalka ku wiiqayso, wali ma hayno khilaafkii oo sal dhigay oo halkiisii ayuu taagan yahay, waxa aanu ku talinaynaa maadaama oo xaaladii dalkeena aynu arkayno cidna aanay inoo maqnayan oo aynaan u baahnayan in beel caalam iyo cid kale toona isugu keen timaado, waxaynu ku talinaynaa madaxweynaha ayay masuuliyada koowaad ee dalkani saaran tahay, Rayaalena waa kii ku canaananaayay qabashada doorashada, markaas waxa xal ah in waxii ugu danbeeyay ee lagu heshiiyay la fuliyo oo guurtida laftigeedu qodobadan ay ku kordhiyeen maaha sharci oo dalka dagaalo iyo duufaano kama jiraan, waxaas oo dhib ah kuwiii ku ducaysan lahaa ma nihin ee kuwii ka ducaysan lahaa ayaynu nahay, waxa loo baahan yahay in qarankan waxii heshiiska lagu ahaa ay guurtidu xalaaleeyaan, taas ayaanu leenahay ku soo noqda ninka ku soo noqon waayana ee doonaya inuu dalkani khilaaf iyo khalkhal ku sii jirna mid habeen jiray maaha.

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku gunaanaday“waxaanu leenahay Axmedow ku soo noqo odaynimo iyo waayeelnimo oo taariikhdaada ha xumayn mana soconayso mindi mindi ku taag, madaxweyne kastaa isaga ayaa guurtida waraabin jiray oo waraabin kari maayo lagaa dhagaysan maayo, kusoo noqo waxii dadku heshiis ku ahaa oo wada tashi, isku tanaasul iyo go’aan qaadasho ah, gacantana waxaan ku haysanayaa heshiiskii xisbiyada tana mudo kordhintii guurtidu labadaasi waa dab iyo dhagax ee kala dhawr.

HargeysaOnline