Xukuumada Somaliland oo Maanta ka Hadashay Xiritaanka Xafiiska Midowga Yurub ee Somaliland.
Posted by abdi on August 05 2015 22:31:01

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta sheegay inay si Hoose u maqleen in Ururka Midowga Yurub.


Extended News

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta sheegay inay si Hoose u maqleen in Ururka Midowga Yurub ay yareynayso Shaqada Xafiiska ay ku lahayd Magaalada Hargeysa.


Biixi ayaa xusay inkastoo aanay si rasmi ah waraaq ugu soo qorin Midowga Yurub, balse ay la hadli doonaan si aanay xafiiskoodda u xidhi lahayn.

“Sidaad ka war haysaan xafiiska midawga Yurub muddo badan ayuu waddanka ka jiray. Waad ka war haysaan in cilaaqaad fiicani ka dhexeeyo Somaliland iyo Midowga Yurub, waana kooxda waxtarka ugu weyn inoo leh oo mashaariic badan bay waddankeena ka qabtaan. Inkasta oo aanay warqad rasmi ahi na soo gaadhin haddana sidaanu maqalay waxay damceen inay xafiiskooda khafiifiyaan oo shaqaalaha dhimmaan oo meel kale u guuraan si ay kharashkooda  u yareeyaan” ayuu yidhi Maxamed Biixi oo ka hadlayey wararka sheegaya inay xafiiskii midowga yurub ku lahaa Somaliland uu xidhayo.

Isagoo intaas ku daray. “Markay si rasmi ah noogu soo qoraan waanu la hadli oo waxaanu u sheegi in loo baahan yahay in xafiisku sidiisaas ahaado.” Wuxuuna Wasiirku xusay inay sidaas u yeelayaa si ay u yareeyaan kharashaadka ku baxaya, isla markaana aany arrin kale ahayn balse xaga dhaqaalaha ay tahay.

Haseyeeshee, xisbiyadda mucaaradka ayaa Xafiisyadaasi ay Xidhayso Midowga Yurub ku eedeeyey xukuumada, isla markaana sheegay inay talaabaddii ugu horeeyey ee ay qaadaan qaadhaan bixiyeyaasha  mar haddii sabab la’aan la iskaga kordhiyey xukuumadda.

Labada xisbi mucaaradka ayaa hay’adaha caalamiga fariin ay warbaahinta u mariyeen sheegay inay kala saaraan hab dhaqanka xukumadda iyo bulshadda Somaliland.

“Waxaa xafiiska dalka laga furay 1995kii oo dalka dagaalo sokeeye ka socdeen oo amin daro jirtay ayay gosteen inay furaan, balse maanta oo dalku 100% amaanyahay waxay u timid bixitaan waa xukuumada iyo xidhiidhka caalamiga ah oo aan wanaagsanayn,Tani waa bilow waxaa laga yaabaa inay xafiisyo kale la xidho”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI CIrro oo xukuumadda dusha ka saaray xidhitaanka xafiiska midowga yurub xidhayo xafiiskiisii Hargeysa.

“Midawga Yurub waxay ku dhawaaqeen in Somaliland ka bixi doonaan oo xidhi doonaan xafiiskoodii kali ahaa ee Hargeysa. Wuxuu ahaa xafiiskaasi ictiraaf dadban, muhiimad la ina siinayay iyo dan beesha caalamku inaga lahayd ayuu ahaa.”ayuu yidhi musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isna ka hadlayey arrintan.

Waxaanu intaas ku daray. “Waxaan ka xumahay in markii la arkay Xukuumaddii oo ka baxday Heshiisyadii ay Mucaaradka ah la gashay; oo geedi-socodkii Dimuqraadiyadda dhaawac badani ku yimid, in EU-du go’aan ku qaataan inay xafiiskooda albaabada u laabaan.Waxaan leeyahay anagu diyaar baanu u nahay sidii aanu xukumadda ugala shaqayn lahayn sidii loo joojin lahaa Midawga Yurub oo ay dalka u joogi lahaayeen”.

Si kasta oo ay tahay, Xafiiskii Midowga Yurub ay ku lahayd Hargeysa oo kaalin weyn ka Qaata doorashooyinka Somalialnd ka dhaca, ayaa la sheegay inay xafiiskooddii xirayaan, waxayna Xisbiyada Mucaaradku Somaliland ku eedeeyey Xukuumaddu in ay Mas'uul ka tahay, haseyeeshee, xukuumadda ayaa iyadu ku dooday inay arrimo dhaqaale u yaraynayso shaqadii ay Somalilnad haysay ay meelo kale u rarayso xafiiskeedii, inkastoo aanu caddeyn meelaha u rarayaan halka ay tahay.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.