Kulan Garoowe ku dhexmaray Puntland iyo Wafdi ka Socday Qaramada midoobey.
Posted by abdi on August 05 2015 22:49:03

C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa, C/xakiin C/llaahi Cameey ayaa maanta kulan kula yeeshay Garoowe ku xigeenka Wakiilka Qaramada.


Extended News

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa, C/xakiin C/llaahi Cameey ayaa maanta kulan kula yeeshay Garoowe ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,

Peter de Clercq iyo Wafdi QM ka socda oo uu Hoggaaminayay. Kulan ay labada dhinac yeesheen ayaa waxay uga hadleen Arrimaha Somalia, Howlaha ay Qaramada Midoobay kawaddo Puntland iyo Sidoo kale Sidii looga Wada-shaqeyn lahaa Dimuqraadiyada. Markii uu Kulanku soo dhammaaday ayaa Waxaa si Wadajir ah Warbaahinta ula Hadlay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Peter de Clercq oo sheegen in kulankii ay wada-qaateen uu kusoo dhamaaday guul & is-afgarad. ”Waxaan ka wada-hadalnay Wafdiga Taageerada Qaramada Midoobay ee Puntland, haddii ay noqon lahayd Xagga Bani’aadamnimada, Nabadda iyo sidii looga Wada-shaqeyn lahaa dowladnimada iyo nidaamka dimuquraadiyadeed ee dalka,” ayuu yiri C/weli Gaas. Sidoo kale, Peter de Clercq ayaa dhankiisa ku Ammaanay Puntland Horumarka ay gaartay, isagoo tilmaamay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto Taageerada Puntland; si loo xoojiyo Horumarka haatan Muuqda. “Madaxda Puntland waxaan kala hadlay xoojinta Horumarka ay Puntland gaartay iyo sidoo kale, in Wadajir looga Shaqeeyo Horumarka iyo Midnimada Soomaaliya oo Muhiim u ah Hiigsiga Sannadka 2016-ka,” ayuu dhankiisa yiri Peter de Clercq. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Gaas ayaa Qado-sharaf Hoy-giisa kula Qaatay Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ee uu hoggaaminayay Peter de Clercq oo ah ku xigeenka Nicholas Kay. 

Hargeysa Online