Taariikh nololeedkii marxuum Cabdi Axmed IIdle(cabdi burco)
Posted by abdi on August 05 2015 22:54:26

marxuumku waxa uu ku dhashay 1946 kii magaalada burco,halkaas oo uu waxbarashadiisii diiniga iyo maadiga ahayd labadaba uu ku qaatay,waxaanu noqday mid yaraan ku anfaca waalidkii iyo bulshadaba.


Extended News

Aduunyo ayaa noocaasa,in qofba maalin ka caraabo,waa goob aan cidna ku negaanayn,qofna aanu ku waarayn,ALLE mooyee,INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN+++++++++++++KULU NAFSU DAA'IQATUL MOWD++++++++++maanta waxaa safar dheer oon soo noqosho lahayn inagaga baxay alle naxariistii jano ha ka waraabiyee,marxuum Cabdi Axmed Iidle Sugule (Cabdi Burco)
           marxuumku waxa uu ku dhashay 1946 kii magaalada burco,halkaas oo uu waxbarashadiisii diiniga iyo maadiga ahayd labadaba uu ku qaatay,waxaanu noqday mid yaraan ku anfaca waalidkii iyo bulshadaba,waxa uu todobaatanaadkii ka mid noqday dadkii u tacabiray sucuudi carabiyo magaalada jida,halkaasuu uu ahaa maskaxdii hal abuurtay shirkadii caanka ahayd ee ka ganacsiga baabuurta waawayn lana odhan jiray IIDLE EAST. KEENTAYNA DALKA GAADIID badan oo anfacoodu soo dhawaaday
kadib cabdi alle haw naxariistee wakhtigaa uu ganacsiga ku jiray wuxuu isu soo maray wadamo badan, intaan taariikhdiisa ka hayo isna alle haw naxariistee uu iiga sheekeeyey,waxaana ka mid ahaa Masar,liibiya,sucuudiga,iyo qaar kale,
     Alle haw naxariistee wuxuu 1993kii noqday mayor ku xigeenkii wakhtigaa,in kasta oo aanay mudo dheer xilkoodaasi aanu qaadan isaga iyo cabdirisaaq oo gudoomiye ahaa dagaaladii sokeeye dartood,hadana marxuumku wuxuu hal abuuray NGO,aad wax qabadkiisa loogu raayay,kaasoo meelo badan wax ka soo qabtay,hadana waxa uu ka qayb galay tartankii dowladaha hoose ee dalka ka dhacay 2002dii,taas oo uu ka soo baxay xisbigii ASAD,isla bishii juun 15keedii 2004tiina waxa uu noqday maayarkii labaad ee si sharci ah ay ku soo doortaan xildhibaanadii golaha degaanka ee dowlada hoose,cabdi waxaan ku xasuustaa mudo xileedkiisaa inuu ahaa qof aan kibir badnayn,xilka loo igmadayna aanu noloshiisa waxba ka bedelin,wuxuu soo kordhiyey alle haw naxariistee inuu meel iska dhigay gaadhigii raaxada ee maayarkii ka horeeyey,kaasoo uu maalmaha uu safarka magaalada ka baxsan uun uu la soo bixi jiray,waxa kale oo layaab ahayd inuu socod lug ah uu gurigiisa kaga soo bixi jiray,isagoo wadada laamida ah ee cawaale hor marta uu kelidii lugayn jiray cabsi lahaan iyo isagoo weliba aan ilaaliye madaxeed aan kaxysan jirin,marxuum cabdi axmed iidle wuxuu ahaa mucjiso nololeed oo alle tilmaan uga dhigay in lagu wacyi qaato,
                   Wuxuu ahaa adoon cibaado badan oo aan safka hore ee masaajidkuu la saaxiibka ahaa ee Ina QULUNBE uu dhisy aan looga horayn jirin,dhamaan salaadaha wakhtiyada aanu hawl kale hayn ama aanu safar ku maqnayn,wuxuu ahaa saaxiib xidhiidhiya dadka aadna u jecel oo meel kastuu joogo dadku uu ku soo xoomo,wuxuu ahaa qof raxmad badan aadna u soo dhawayn badan oo aan laga xiiso dhicin sheekooyinkiis,intaaba waxaa ka sii layaab badnaa marxuumku wuxuu jeclaa mar walba inuu lug magaalada ku wada maro oo wuu dhex lugayn jiray manuu jeclayn fuulista gaadiidka,maruu xil hayey iyo maraanu haynba.
          Maanta cabdi waa uu inaga anbabaxay,anbabax aan soo noqosho lahayn,waxa keliya oo uu inooga baahan yahay waa duco inaan u wada ducayno in eebe naxariistiisa uu ugu roonaado,xisaabtana u fududeeyeyo iyo in aynu wada cafino cid kasta oo masuulkaas wax u sheeganaysa hadiiba ay jiraan,cabdi waxa uu ifka kaga tegay hooyo xaali malow iyo labadiisa inan haashin cabdi axmed iyo iidle cabdi axmed iidle iyo waxa ay sii dhaleen.
                                             illaahay naxariistiisa hakuugu denbi dhaafo xidig naga dhacaad tahay.....................................................

 


                                                            Allaah ayaa mahad leh

                                                  waa qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed ilkacase