Xisbiga Waddani oo Beeniyey Xubno ka mid ah oo la sheegay in la Casilay.
Posted by ifraax on August 06 2015 20:53:32

Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa xukumadda ku eedeeyay inay faafisay warar xalay soo baxay oo sheegayay.


Extended News

Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa xukumadda ku eedeeyay inay faafisay warar xalay soo baxay oo sheegayay in xilka laga qaaday Mr Boobe iyo Xamarji oo waddani ka tirsan.


Warqad lagu faafiyay baraha bulshada iyo mareegaha wararka qaarkood ayaa lagu sheegay in xoghayaha guud ee waddani xilalka ka qaaday Mudane Boobe iyo Xamarji, iyadoo lagu eedeeyay khiyaamo xisbi,balse warqaddaasi mid la been abuuray ayaa ku tilmaamay Boobe.

“Anigu saxaafad odhan maayee, cid baa waxay qortay Boobe iyo Xamarji ayaa xisbigii laga eryay, waa ayaan darro wadanka taal marka xukumaddii dhammayd ee umaddan masuulka ka ahayd ku meeraysanayso waxyaabo caynkaasa” ayuu yidhi Boobe, oo intaas raaciyay in calamadii 18-ka may ku dayacan yihiin dhirta Madaxtooyada oo midba laan ka lusho.

Dhinaca kale waxa uu Boobe Su’aal galiyay qaabka loo ilaaliyo amniga Madaxweyne Siilaanyo mararka uu ka baxo madaxtooyada “Madaxtooyadu ma ta Marka uu madaxweynuhu madaarka tagayo Bay-bayada ku kaxaysaa?, xukumaddeenu ma ta Madaxweynuhu markuu bacdalaha tagayo ee Maxamed Biixi iyo Wasiir warancadde sii raacaan iyagoo khamiisyo xidhan baa? Somaliland ma taas baa mise waa tan laga baqayo ee Bay-bayada laga fuulay. Labada sawir ka xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland waa kee?, maanay dacaayad umadda ku ahayn markuu intaas oo Bay-bay iyo intaas oo qori is daba dhigo” ayuu yidhi Mudane Boobe.

Mudane Boobe waxa uu xukumadda ku booriyay inay diyaariso madal doorasho oo lagu tartamo haddii waxqabadka ay ku faanaysaa dhab ka yahay. Waxa uu dhaliilay daaraha xukumaddu ku faanto isagoo soo jeediyay inay dadka wax gashato oo horumariso.

 

Hargeysa Online