Xarunta Xuquuqal insaanka oo Kubaaqay in gudi Madax banaan loo saaro Dilkii ay boolisku u geysteen Shacabka.
Posted by ifraax on August 11 2015 21:22:10

Ururka Quxuuqal insaanka ee Human Right Centar ku baaqay in baadhitaan Madax banaan lagu sameeyo Dilkii ay geeysteen Boolisku.


Extended News


War-saxaafadeed:

 

9 ka August 2015 abaaro 5:30 galabnimo, Cabdinajiib Axmed Maxamed oo ah wiil 12 jir ah oo aan hubaysnayn ayaa u dhintay rasaas ay ku rideen booliiska Somaliland. Sidoo kale waxa rasaastu dhaawacday Mustafe Axmed Maxamed, 22 jir, Cabdiraxmaan Axmed Maxamed, 15 jir, iyo Maxamed Cabdilaahi Quule, 40 jir, halka Cabdirashiid Muuse Maxamed, 27 jir, uu ku dhaawacmay garaac ay u gaysteen booliisku. Dadkii dhaawacmay waxa loo qaaday oo hada lagu dawaynayaa cusbitaal. Sida ku cad warbixinada caafimaadka, Cabdinajib waxa xabaddu kaga dhacday madaxa. Sadex ka mid ah dadka dhibtu soo gaadhay oo uu ku jiro marxuumku waxay ka wada tirsan yihiin isku qoys.

Booliiska oo hubaysan ayaa yimi goob ay ka socotay dhisme xaafadda Jigjigayar ee magaalada Hargeysa si ay u joojiyaan dhisme ka socday aag la degan yahay. Booliiska waxaay is maan dhaafeen xubno ka tirsan qoys sheeganaya lahaanshaha goobta dhismuhu ka socday islamarkaana ku leh goobta tukaan iyo nootaayo iyo dad kale oo ku soo ururay buuqa. Booliisku waxay ku fureen rasaas nool dadkii soo buuqay. Waraysiuu warbaahinta siiyay wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, mudane Cabdi Daahir Camuud, wuxuu qiray in booliisku rideen rasaasta wuxuu se ku dooday inay is difaacayeen kadib markii dhagxaan lagu soo tuuray.

In dad aan hubaysnayn lagu rido rasaas waa fal aan la aqbali karin. Xoogga ay isticmaaleen booliisku uma dhiganto khatarta ay wajaheen. Dad goob joog ahi waxaay u sheegeen Xarunta Xuquuqal Insaanka in dadka dhaawacmay qaarkood ay sii cararayeen markay xabaddu ku dhacday. Wiilka yar ee 15 jirka ah,Cabdiraxmaan Axmed Maxamed, wuxuu ku cayaarayey baaskiilkiisa markii xabaddu bilaabantay.Waa naxdin in laba ka mid ha dadka dhibta soo gaadhay ay yihiin caruur.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay in booliisku soo dhexgalo muran dhul iyada oo aan amar iyo dacwad maxkamadeed jirin. Xaruntu waxay si adag u canbaaraynaysaa in booliisku isticmaalay xoog xad dhaaf ah. Waxa aad nooga yaabiysay in isla markiiba masuuliyiintu difaaceen booliiska iyaga oo aan ku samayn baadhitaan dhacdada.

Dhacdada caynkan oo kale ahi maaha mar la arag. Masuuliyiintu waa inaanay difaacin booliiska ee waa in booliisku qaadaa masuuliyadda talaabooyinkiisa islamarkaana waa in la soo afjaraa dacwad ku oogis la’aanta booliiska oo ay tahay in sharcigu qabto iyagana. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ku baaqaysaa in sida ugu dhaqsaha badan loogu sameeyo baadhintaa madax banaan dhacdadan.

Hargeysa Online