Askari ka Tirsan Ciidanka Qaran oo Maanta Sarkaal ku dilay Boorame Mid kalena Dhaawacay.
Posted by ifraax on August 11 2015 21:36:53

Wararka laga helayo Magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa sheegaya in askari ciidamada SL ka tirsan uu toogasho ku dilay Sarkaal.


Extended News

Wararka laga helayo Magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa sheegaya in askari ciidamada SL ka tirsan uu toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Somaliland oo lagu Magacaabi jiray, Xiddigle Faarax Carraale, isagoo dhaawacay Taliyhii Ciidanka Somaliland ee Aagga Galbeedka Col. Xasan Caqli.

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan [Rabaax] ayaa Warbaahinta u sheegay in askariga toogashada geystay uu ciidamada ka tirsanaa, saraakiisha uu dilka iyo dhaawaca u geystayna ay ahaayeen taliyeyaashiisa. “Askari ka tirsan ciidanka Galbeedka Somaliland ayaa maanta toogasho ku dilay Xiddigle, Faarax Carraale, isagoo sidoo kalena dhaawac halis ah gaarsiiyay Col. Xasan Caqli oo ahaa taliyaha Ciidamada Aagga Galbeedka Somaliland, kaasoo haatan lagu daweynayo Isbitaal ku yaalla degmada Boorame,” ayuu yiri Rabaax oo la hadlayy Warbaahinta. Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa sheegay in askarigii toogashada geystay gacanta lagu dhigay oo uu haatan xiran yahay, balse ma sheegin sababta uu askarigan dilka iyo dhaawaca ugu geystay Saraakiishii Xukumaysay. Dr. C/raxmaan Jaamac Haaddi oo ka mid ah Dhakhaatiirta la Tacaalaya dhaawaca taliyaha Ciidamada Somaliland ee Gobolka Awdal, Col. Xasan Caqli ayaa sheegay in xaaladda Col. Xasan Caqli ay tahay mid aad u adag xilligan. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Axmed Xaaji Cali [Cadami] ayaa goor-dhow isna u Sheegay Warbaahinta in Askariga Toogashada geystay Baaritaanno ay ku socdaan, isagoo intaas ku daray in askariga sharciga la horkeeni doono, isla markaana ciqaab adag la marin doono. Ugu dambeyn, Toogashadan ayaa Noqonaysa tii Afaraad oo Askar ka tirsan Ciidamada SL ay Labadii sano ee lasoo dhaafay u geystaan taliyeyaashooda, iyadoo Wasaaradda Difaaca Somaliland ay horay u sheegay inay wax ka qaban doonto askarta toogashada u geysanaya Taliyeyaashooda. 

Hargeysa Online