Go'aanka maxkamada sare ee dastuuriga ihi wuxuu badka soo dhigay aqoon darida sharciyeed.
Posted by abdi on August 25 2015 08:41:45

Maansha allah marka hore go'aanka maxkamada sare waxaan leeyahay hanbalyo gudoomiye waad asiibtay xaqa iyo sharciga aad u hiilisay.


Extended News

Maansha allah marka hore go'aanka maxkamada sare waxaan leeyahay hanbalyo gudoomiye waad asiibtay xaqa iyo sharciga aad u hiilisay,ummadu ku geli mayso qof raba inuu u taliyo sharcigana doonaya in uu ku tunto,waxaan leeyahay waxaad u hiilisay qaranimada iyo dastuurka somaliland,waxaad dhigtay halkii ay ahayd,waxaanad siisay cidii awooda u lahayd ee lagaga murmayey,mahadsanid gudoomiye waxaad u hiilisay shacbiga somaliland iyo inaan qofba siduu doono sharciga u tafsiirin,guurtidu waa ta uu dastuurku siiyey mudaynta iyo magacaabida waqti doorasheedka iyo iyadoo awood u leh in ay kordhiso sabab kastoo saamixi wayda in doorasho la qabto,waynu ku soo badhaadhnay,ku soo ilmo korsanay,ku tanaadnay kuna nabad dhowrsanay,maantana  way noqon wayday in la deedafeeyaa.
           Axsaabta mucaaradkana waxaan leeyahay,muday idinku qaadatay sidanaad maanta Yeesheen,ogolaanshihiinuna wuxuu ka dhigan yahay WAN WAYN ILAA LA GOWRACO INDHIHIISU CIRKA MA ARKAAN mana aha mid wakhtigii saxda ahaa iyo madashii saxda  ahayd ku yimi,wakhtigu waa taariikh idiin qormaysa,waxaanad ku suntan tihiin inaad tihiin nimankii wadanka khalkhal ku geliyey mudo ka yar boqol habeen,sifo aan sharci ahayn,maantana ku yeelay mudo ka yar saacad,weliba qaatay wixii ay filayeen ee ay hore isaga indha tirayeen,dalku waa dimuqraadi qofna xilkan ku raagi maayo,kuna haysan maayo reer nimo iyo wixii la mida,waa loo tartamayaa waxaana helaya xisbigii ku guulaysta codkana ay shacabku siiyaan,hala sugu intaa wakhtiguna maanta wuu cadaadee nin walba iyo burhaantii,wuxuu keensado,laakiin mid jooga iyo ku soo socdaba in sharciga la dhawraa waa hanaankeena dawladnimo,
                      Xukuumada iyo baarlamaankeedana waxaa la gudboon in wakhtigaa maanta la cayimay lagu suuro gesho in qarankan loo amba qaado doorasho xor iyo xalaal ah,wax kastoo suuro gelinaya doorashadaana la dhamays tiro intaan la gaadhin wakhtigaa si turxaan la'aan ah,aan lays kuna tuurtuurin ee si habsami leh loo anba qaado socdaalkaa dheer ee inaga hor yaala
            Waxaan leeyahay labada dhinac ee gartani khusaysay dhamaantiin hanbalyo go'aankaas aad wada yeesheen waxaanan idiin rajaynayaa in geedigaas si wanaagsan oo turxaan la'aan ah aad u wada gashaan,dhamaan hawlaha idiin wada yaalna aad wada jir ku qabataan insha allah.
                                                allaa mahad leh
                                                                        qalinkii Maxamed yaasiin maxamed ilkacase
                                                                                            myaasiin143@hotmail.com
                                                                                        Antwerpen====Bilguim