Degmada Togwajaale xadhig logu gaystay muwaadin.
Posted by abdi on August 25 2015 08:56:17

Degmada Togwajaale xadhig logu gaystay muwaadin kamida siyaasiyaasiyiinta Gobolka Gabiley oo fadhigiisu yahay wajaale.


Extended News

 

Degmada Togwajaale xadhig logu gaystay muwaadin kamida
siyaasiyaasiyiinta Gobolka Gabiley oo fadhigiisu yahay wajaale
siyaasi Mustafe sh Abiibakar oo ka mida siyaasiyinta dagmada Tog
wajaale waxaanu ka xunahay xadhiga loo gaystay oo lagu xidhay
saldhiga dagmada wajaale oo la sheegay inuu xadhigiisa ka danbeeyey
inay iska kaashadeen Godoomiyaha maamulaha kastamka wajaale taliyaha
saldhiga Boliska uu adkaysan kariwaayey xogo dahsoon oo uu iftiimiyey
isla markaana uu sitoosa warbaahinta fikirkiisa kusoo bandhigay inay
ka gaabiyeen maamulka wajaale shaqadii qaranku u igmaday inay ka
shaqeeyaan kuna mashquuleen Tahriibta iyo maandooriyaha Khamriga ayna
sababtay in loo xidho fikirrkiisa uu dadweynaha uugu adeegayo isag oo
lagu yaqaan hal adayg Geesinimo iyo habrasho la,aan taasi oon loo
marin xadhigiisa sifihii sharciga ah ee dalka uyaala waxaa la yaable
masuuliyiin xil qaran haya inay ku tacadiyaan muwaadin gudanaya
xilkiisii wadaninimo iyo shaqadii uuumada uqaabanlahaa hadaba
hadaanu nahay akhristayaasha waxanu canbaaraynaynaa xadhiga lagula
kacay muwaadinka waajibaadkiisii gudanaya waxaanu sigaara u
dhaleecaynaynaa Gudoomiyaha Qurbajoogtaa taliyaha saldhiga
BooliskaWajaale Kayse Dacaw Baadihelay markii ay wajibaadkoodii gudan
kari wayeen ku rafanayaan muwaadiniinta madaxa banaan ee bulshada
sida tabarucaa ugu adeegay hadaanu nahay bulshada ku dhaqan Gobolka
Gabiley waxaa maamulka Tog Gobolka ka codsanaynaa in sida ugu
dhakhsaha badan loo sii daayo siyaasi mustafe sheekh abiibakar oo ah
nin miisaan mug iyo maamuus kudhexle Bulshada isaga oo markasta
tooshka ku ifiya dhaliilaha Dhabta ah ee kajira Degmada uu kunoolyahay
ALLAH MAHADLEH

C/laahi Axmed Cali Qawrax Togwajaale Somaliland
Email qawrax001@gmail.com