Prof Ismaaciil Hurre Buuba Oo Maanta Lagu soo Dhaweeyey Caasimadda Hargaysa.
Posted by ifraax on September 02 2015 20:55:09

Waxaa Maanta Magalada Hargaysa Si wayn loogu soo dhaweeyay Siyaasi , Prof , Muj Ismaaciil Maxamuud Hurre Buuba oo muddo dheer Dalka ka maqnaa.


Extended News

Waxaa Maanta Magalada Hargaysa Si wayn loogu soo dhaweeyay Siyaasi , Prof , Muj Ismaaciil Maxamuud Hurre Buuba oo muddo dheer Dalka ka maqnaa .
Siyaasi Ismaaciil oo ka soo kicitimay Magaalada Doxa ee Dalka Qadar ayaa Ka soo Dagay Gagida Diyaaraduhuu ka haadaan Ee Hargaysa Air port .

 
Waxaana madaarka Kaga hortagay Kumaanaan Dadwayne ah , Aqoonyahan , Siyaasiyiinta , Waxagarad , Dhalinyaro , Haween iyo Masuuliyiinta Ugu sareesa labada Xisbig Mucaarad oo kala Ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Murashaxa Madaxweyne Ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen , Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo Masuuliyiin kale .
Prof Ismaaciil Hurre Buube oo Warbaahinta kula hadlay Qolka Nasashada ee Madaarka Hargaysa ayaa si wayn ugu Mahad Naqay Dhmaana qeybihii Bulshada ee Soo Dhaweeyay .

Hargeysa Online