Gudoomiye cirro kuma qaldamin baashe ee xeerhoosaadkaa golahaa hagraday.
Posted by abdi on September 14 2015 21:11:19

Waxa uu sababay feedh tantoomo iyo tabco si deg dega fadhiga laysaga sara joogsaday,waxaana taasi sababay mooshinada.


Extended News

Waxa uu sababay feedh tantoomo iyo tabco si deg dega fadhiga laysaga sara joogsaday,waxaana taasi sababay mooshinada iska soo daba noqnoqonayey ee wareejinta haamaha shidaalka ee maalmahan ka ndhex socday golaha baarlamaanka jamhuriyada somaliland iyo madaxtooyada qaranka,hadaba dhacdadaas oo ay bulshadu aad uga faalootay,ayaa u baahan in lays dultaago:
                Marka hore wixii ka dhacay xorunta golaha wakiilada ee ay isku faro saareen gudoomiyaha golahaas iyo ku xigeenkiisa koowaaad wuxuu ahaa qalad iyo fool xumo aad u wayn oo ay ku kaceen masuuliyiintaasi,balse qaladkaas oo aan ahayn mid u sooran,  waxaa masuuliyadeeda lahaa gudoomiye xigeenka golahaas oo isagu markii horeba goobta la yimi dagaal iyo arimo ku talo gal inay sidaasi wax u dhacaan ah,sidii aynu ka wada daawanay dhamaan warbaahinada may ahayn wax qarsoonaa in xildhibaan baashe uu ku bilaabay hadaladiisa cay af lagaado iyo dagaal hoose kaasoo aan kala go' lahayn,waxuu meesha ka saaray kala danbayntii golaha,waxaanu la soo baxay awood uu golaha dib ugu furo iyadoo uu gudoomiyu xidhay,kaba darane waxa uu iska indha tiray xeer hoosaadka golaha oo qodobka 43 aad qeexayo in mooshin loo codeeyey isla kalfadhigaa aan dib loo soo celin karin kalfadhiga xiga mooyee,taasi waxay cadaynaysaa inaan gudoomiye cirro aanu diidin mooshinkaas in loo codeeyo ama laga doodo,ee uu xeer hoosaadku diiday,sikastaba ha ahaatee waxaa cad in xukuumada siilaanyo ay tahay ta keliya ee iyadu daaha dabadiisa ka soo maamulaysa waxyaabahan dhacaya,waxay mooshinadan u adeegsanaysaa hantida qaranka,waxaanay ku abaabulaysaa colaad shaqsiyaad gaara iyo mid caamaba,xukuumadu hadii ay dan ummadeed ay wado maxay warbixin uga siin wayday siyaabaha maanta dhalisay in haamaha shidaalka ay wareejiso iyadoo ay xukuumadani hore uga qaaday shirkadii ajaanibka ahayd ee TOTAL,maxaasay u qancin la'dahay bulshada reer soomaliland ee ku kelifaya in ay sidan foosha xun ay wax ugu maamusho,waxaa la yidhi NIN HULAAB XUMI INUU WAX QATSANAYAA LA MOODAA maahee xukuumadu waa ay ka baydhay fikirkii iyo himiladii qarankani waxaanay maanta ku socotaa weji aanay bulshadu raali ka ahayn cid ka aqbalaysaana aanay jirin waxay u tafaxaydantahay hanaan fadaraal si markaa dadka loo ogolaysiiyo waa in ay u dhaqantaa sidan ay maanta tahay waa in ay hantida umada ka dhaxaysa cid gaar ah loogu faa'iideeyaa,
                       Gudoomiye cirro wuxuu isna ku fududaaday inuu ku xigeenkiisa u gacan qaado siday ognahayna waa madaxwaynaha ugu kalsoonida badan wakhtigan asxaabta qaranka sidaa darteed waxay ahayd in uu ku samro hankiisa siyaasadeed in kastoo uu in badan uu isku dayey balse uu daandaansigu ka xoog batay,
      waxaan gebo gebadii aan u soo jeedin lahaa in labadooduba ay shacabka xalaasha ah ee reer somaliland ay ka xaal siiyaan wixii maalintaa ka dhacay xoruntooda
                                                  ALLAA MAHAD LEH
                                            Maxamed yaasiin maxamed
                                                         mymnaleye@hotmail.com