Suldaan Qabiilkiisa Gabay waxma yeeli kara Somaliland.
Posted by abdi on September 14 2015 21:22:58

Suldaan Wabar wuxuu ahaa nin laga soo waariday Waqooyiga Maraykanka. Qabiilkiisa Jibriil Yoonisna uu u hanwaynaa.


Extended News

Suldaan Wabar wuxuu ahaa nin laga soo waariday Waqooyiga Maraykanka. Qabiilkiisa Jibriil Yoonisna uu u hanwaynaa. Waxa la islahaa wuxuu la iman fikir cusub oo ka duwan kii hore ee Salaadiintu ku dhaqmijireen. Suldaanku wuxuu isku badalay waxan dhanqanka Somaalida lagu arag oo ah Suldaan-Jabhad. Wuxuu kalidii ku dhawaaqay jabhad an jirin oo u yidhi waxay xoraynaysaa Awdal. Lama tashan qabiilkii suldaanka u doortay iyo Gadabuursitoona. Isaga oo ayna cidi diran ayuu ismaqiiay oo u galay dal shisheeye. Lama garanyo cidda u xuraynayu iyo wuxuu ka xoraynayu. Gobolka Awdal waa ma guuraan, dadkiisuna waa xor ku nool nabad iyo cissi, dabaato ay iyagu isku keeneen mooyaane ayna haysan wax kale. Dhamaan Gadabuursi wuxuu u haystaa suldaanku in u waalan yahay ama u riyoonayu, dadyowka jaarkuna maba oga, hadday ogyihiina way ku qoslaan.Siyaasad ahaanna wuxuu wiiqay oo qayrkood ka reebay qabiilkii suldaanka ka dhigtay. Qabiikiisu wuxuu ku kuda jiraa siddii ay suldaan kale u dooran lahaayeen ee foolxumadiisa isaga dul qaadi lahaayeen. Wabar kama walwalqabo mustaqbalkiisa iyo ka xaaskiisatoona waayo waa nin Maraykan ah oo aan u baahnaynayn Somaliland iyo Awdaltoona. Iska daa wuxuu qabiilkiisa u tare eh, wuxuu ku dhaqaaqay in ku dhex laayo Boorama dhexdeeda, maalkoodana boobo, uguna baaqo dhibaato iyo dil ciddii ka soo horjeesta. Wabar  wuu ka irdhoobay qabiilkiisa iyo caamahaan Gadabuursi, Somalilandna waxa u yaala dil iyo khiyaamo wadan. Waqti dhow waxaad Wabar ka eektaan Maraykan. Waxa ugu daran kuwa tirada yar ee u lug gooyay ee meel ay u ciirsdaan la’. Muwaadin ka soo jeeda JY