Puntland oo ka Hadashay Arrinta Ururka Daacish iyo Dhallinyaro lasoo Bandhigay.
Posted by abdi on September 14 2015 21:30:58

Taliska Qaybta Booliiska Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay seddex nin oo la sheegay.


Extended News

Taliska Qaybta Booliiska Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay seddex nin oo la sheegay in ay gacan saar la leeyihiin kooxo wax tahriibiya oo fadhigeedu yahay Liibiya.

 

Laamaha Amaanka Gobolka Bari ayaa sheegay in howl-galo laga sameeyay Degmooyinka xeebaha leh ee ku teedsan Gobolka lagu soo qabtay Raggan iyo dhallinyaro ay Doonayeen inay u Tahriibaan Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.

“Waxaa jirtay xaalad halis ah oo Halkan kasoo Cusboonaatay oo ah in Dhallinyaradii Dug-siyada dhigaynaysay la tahribiyo, waxaa noo suuro-gashay in raggii howsha hogaaminayay oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib in gacanta lagu soo dhigo," ayuu yiri Taliyaha Dekadda Boosaaso, Maxamed Cali Xaashi oo la Hadlay Wariyeyaasha.

Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado) oo isagana Madasha ka hadlay ayaa beeniyay in ururka Daacish uu dagaal-yahanno ka qoronayo gudaha Puntland, isagoo sheegay in waalidiin kala duwan ay si qaldan ula hadleen warbaahinta.

“Waxaan idin cadaynayaa in wax Daacish la yiraahdo aysan halkan ka howl-galin, waxaan waalidka ka dalbanaynaa in aysan ku dag-dagin macuuluumaadka ay saxaafada siinayaan,“ ayuu yiri Guddoomiyaha oo si adag uga hadlay Wararka Daacish.

“Dhallinyarada halkaan Taagan Waxaan soo qabannay iyagoo qorshanaynaya inay baxaan, runtii waa ayaan darro in dhalinyaro waxbaranaysa ay tahriibto, waana ka Hor-tagaynaa in Tahribinta dadka Puntland loo soo wareejiyo “ ayuu mar kale yiri gudomiye Dhado.

Ugu dambayn, mas’uulkan ayaa sheegay in raga gacanta lagu hayo oo gaaraya seddex qof la soo taagi doono dhawaan maxkamadda, waxaana uu kooxaha wax tahriibaya uga digay in ay gobolka ka sii shaqeeyaan.

HargeysaOnline.Net