Gudoomiye ku xigeenka Degmada Tog-wajaale ayaa saaka kormeer hawleed ku soo maray qayba ka mid ah magaalada.
Posted by ifraax on September 24 2015 08:28:20

Gudoomiye ku xigeenka  degmada tog-wajaale mudane Mursal  Nuux Cimaan  ayaa saaka kormeer hawleed ku  soo maray qayba ka mid ah magaalada gaar ahaan suuqyada waawaayn.


Extended News

Gudoomiye ku xigeenka  degmada tog-wajaale mudane Mursal  Nuux Cimaan  ayaa saaka kormeer hawleed ku  soo maray qayba ka mid ah magaalada gaar ahaan suuqyada waawaayn sida bacadlayaaasha iyo bakhaarada isaga oo u kuur galayay habsami u socodka ganacsiga magaalada tiiyoo  lagau jiro wakhti ciida loo diyaar garoobayo.

 

Waxa uu sidoo kale  gudoomiye ku xigeenku kormeer ku soo maray saylada xoolaha isga oo indhaindhaynayay xaalada guud ee sayladu haatan ku sugantahay iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi eeka jira.


Meelaha kale ee gudoomiye ku xigeenku buuqashada  ku soo maray goobaha salaada ciida lagu oogo eek u yaala magaalada oo uu ka mid yahay garoonka kubada cagta ee siiraanyo stadium. Garoonka ayuu gudoomiye ku xigeenku subaxnimadii hore ee saaka ka bilaabay nadiifin iyo rushayn.

Dadwayknaha reer tog-wajaale ayaa si wayn ugu soo dhaweeyaya dhamaan goobaha uu kormeerka ku soo maray. Iyaga oo inta badan warbixin ka siinayay xaalada ganacsi ee magaaladu ku sugantahay. Waxa dadwaynuhu sidoo kale ugu mahadneqeen sida wanaagsan ee ay u diyaariyeen garoonlka si loogu tukado salaada ciida

Gudoomiye ku xigeenka ayaa inta badan  kaalin laxaadle kaga jira waxqabadyada ay fuliso dawlada hoose waxaana lagu tilmaami karaa xubinta ugu firfircoon ee hawsheeda si hagar la,aan ah u gudata marka la eego maamulka dawlada hoose ee degmada Tog-wajaale.

Gabagabadii waxa uu gudoomiye ku xigeenku ka codsaday laamaha amaanka  in ay laban laabaan dadaalkooda maalmaha ciida, si looga hortago wax kasta oo khalkhal ku keeni kara amniga guud ee degmada.

Wariye: Khadar Cabdi C/laahi

Khadardhaylo1@gmail.com

Wajaale / Somaliland