kelmada dhaxal wareejinta hantida qaranku ma hulaabtii wax la qarsanayaa.
Posted by ifraax on September 24 2015 08:59:50

Dhismayaashii waaxyaha dawlada hoose ee degmada burco,ee waaxdii shiikh bashiir iyo waaxdii sayidka waxaa dhaxal wareejiyey.


Extended News

kelmada dhaxal wareejinta ee hantida qaranka ah, maxaan u isticmaalnaa,ma hantida la kireeyey?kuwa la iibiyey/mise kuwa la dhacay?

Dhismayaashii waaxyaha dawlada hoose ee degmada burco,ee waaxdii shiikh bashiir iyo waaxdii sayidka waxaa dhaxal wareejiyey shakgsiyaad kooban oo ka samaystay hanti maguurto iyaga noloshooda u gaara,weliba ganacsi oo baakhaaro iyo geerashyo leh,waxaa iyana ku jira gacmaha dhaxal wareejiyayaasha labada guryo ciidan booliis ka asluubta iyo kuwa milateriga,waxaa iyana ka mida hantida la qofaystay sida gaar ahaneedna loogu tagri falay guryihii dawlada hoose ee burco oo dhamaan si beelaysan loo dhalan rogay,bal eeg bakhaaradii injii ee dowladii hore waxay u kiraysan yihiin dhamaantood ganacsato Berbera keena raashinka hadaba maxay is dhaamaan ka keena raashin iyo ka shidaalka keenaa ee labaduba ay yihiin muwaadiniinta,
Bal eg dhamaan goobihii kaluumaysiga ee berbera waxaa gacanta ku haya shirkado iyo ururo kaluumaysi oo madax banaan ka darane bal eega dhamaan goobihii shidaalka ee cajab,shel,iyo kuwii la midka ahaa waxaa hanti ahaan u yeeshay dad gaara oo xitaa aan laga kirayn mar haday sidaas tahay oo dhamaan hantidii dalkaba la wada boobay maxaa maanta loogu qaylinayaa wareejinta haamaha shidaalka?kase waran hadiiba shirkada door bidaya in laga kireeyo ayba go'aansadaan inaanay shidaalba keenin ma laga yaabaa in mucaradka ama xukuumadu ay shidaalka iyagu keenaan?bal eeg mucaaradkan indhaha la' ee waxaan sakaaro ka biiqsan siyaasad ka dhigaya wadankiina kala qoqob iyo cunfi kaga dhex abuuray haamo shidaal ama buur wax ku dhex jiraaba aanay jirin,ka soo qaad bal hadii shirkadaha shidaalka keenaa ay iyaga laftoodu ay hantidooda gashadaan haamo ay leeyihiin maxaa u diidaaya?
dadku waa masaakiin waxaana la geliyey fikir u danaynaya qof keliya kaasoo reernimo lagu dabakhayo,ummada waxay u baahan tahay siyaasad cad oon cunsuriyad iyo kala qoqob lahayn,ummaduwaxay u baahan tahay wax qabad iyo maalgashi ay ku horu marto,ummadu waxay u baahan tahay xukuumad aan wax walba iyadu gacanta ku hayn ee bulshada loo madax baneeyo ganacsi xor ah sida uu dastuurkoodu uu ugu balan qaaday,ummadu waxay u baahan tahay maalgashi wadani ah iyo mid caalami ahba,ummadu waxay u baahan tahay shuruuc iyo xeerar kala haga iyo in lagu dhaqmo qawaaniinta dalka u yaala,ummadu uma baahna cid kala takoorta,ummadu uma baahna cid cunsuriyadii horev mid cusub ugu sii darta,ummadu uma baahna inay weligood ku noolaadaan khayraad aan la soo saarayn,mar walbana la sheego inuu dalka ceegaago,ummadu waxay u baahan tahay cid dhista dalka iyo dadkaba horumarisana cilmiga iyo quluubta dalka,ummadu waxay u baahan tahay inay ka korto danayste siyaasi ah kaasoo iyaga dhiigmiirta,kudkude dhiigooduun jaqa
ALLAA MAHADLE.
 
Maxamed Yaasiin Maxamed Ilkacase
mymnaleye@hotmail.kom
Antwerpen Belguim