Xujey Somali ah oo shalay ku geeriyooday Is-buur-buurashadii Xajka.
Posted by xaaji on September 25 2015 18:23:08

Laba Xaaji oo Soomaaliyeed ayaa ka mid ahaa 717 Xaaji oo shalay ku Geeriyooday is-buurashadii shalay ka dhacday Minna.


Extended News

 

Laba Xaaji oo Soomaaliyeed ayaa ka mid ahaa 717 Xaaji oo shalay ku Geeriyooday is-buurashadii shalay ka dhacday Minna xilli Xujeydu ay ku jireen dhagax-tuurka Sheydaanka oo qayb ka ah Waajibka Xajka. Inkastoo aan la sheegin magacyada xujeydan ayaa hadana waxaa la sheegay inay ahaayeen Rag kuwasoo kasoo kala xajiyay Magaalada Hargeysa iyo Deegaannada Soomaalidu dagto ee dalka Kenya. Sidoo kale, Sh. Shamsuddiin Goobdoon oo ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ee Sannadkan Xajiyay ayaa isna sheegay in la la’yahay Soomaali badan oo aan Teendhooyinkii ay shalay ka tooseen aan db ugu soo laaban. Mashaqadan ayaa waxaa ku dhaawacmay 863 xaaji, kuwaasoo la dhigay dhaawacyadooda 15-isbitaal oo ku yaalla Maka, iyadoo boqorka dalka Sucuudiga Salmaan Bin C/casiis uu amar ku bixiyay in baaris lagu sameeyo shilkan. Dhanka kale, Waxaa Xujeydii ku dhintay Shalay Xajka ee la ogaaday Dalalkka ay kasoo jeedaan ayaa waxaa ka mid ah; 14-qof oo Hindi ah iyo 131-qof oo kale oo la sheegay inay u dhasheen dalka Iiraan. Ugu dambeyn, Sannadkan 2015-ka ayaa waxaa xajiyay 20-kun oo Xujey Soomaaliyeed ah, iyagoo noqonaya xujeydii ugu badnayd ee Soomaali ah oo xajiya sannadihii lasoo dhaafay.

Hargeysa Online