Xasuusin Xeerka socdaalka iyo cida ay qusayso.
Posted by abdi on October 03 2015 02:21:44

Waxay   tageen  fanaaniitii    xidigaha   geesku   Muqdisho   waxaana    qabanaya   sharcigan   amaba   qodobadan  ka  mid   ah  dastuurkeena.


Extended News

 

                                                        

 

Ref:  SSE/Fr – 15/09  

 

XASUUSIN XEERKA SOCDALKA  IYO CIDA AY QUSAYSOO

 

Waxay   tageen  fanaaniitii    xidigaha   geesku   Muqdisho   waxaana    qabanaya   sharcigan   amaba   qodobadan  ka  mid   ah  dastuurkeena   .

1. In cid alaale iyo cidii ku abtirsata Somaliland, dawladd, shicib, Afraad, Ururo, Axsaab, NGO-yada, Aqoon ayahanada, Madaxdhaqameedyada, Suugaan yahanada iyo dhamaanba noocyada ururada Bulshada.

GO’AANKA LABADA GOLE GUURTIDA IYO WAKIILADA EE MADAXWEYNUHUNA SAXEEXAY 2003 IYO WAX KA BEDELKIISII 2012

JSL/GB/O1/10/2003 ee 11/10/2003

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Ku: Madaxweynaha Somaliland

Ujeedo: Soo gudbin go’aan Baarlamaan

Fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada gole baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada oo ay kaga doodayeen xaaladaha siyaasadeed, saamaynta hindisayaasha salaadiintu ay ku yeelan karaan Somaliland iyo siyaabaha looga hor tagi karo dhibaato kasta oo ka iman karta. www.somalilandlaw.com Page 4 of 6

Fadhiyada Wada Jirka Ah oo socday mudadii u dhaxaysay 8 ilaa 11-kii bishii 10aad 2003, waxay golayaasha Baarlamaanku ka soo saareen go’aankan halkan ku lifaaqan

Golaha Baarlamaanka Somaliland:

Wuxuu go’aamiyey 

1. In cid alaale iyo cidii ku abtirsata Somaliland, dawladd, shicib, Afraad, Ururo, Axsaab, NGO-yada, Aqoon ayahanada, Madaxdhaqameedyada, Suugaan yahanada iyo dhamaanba noocyada ururada Bulshada aanay sinaba uga qayb gali Karin shir kasta iyo arin kasta oo lagaga hadlayo Hindisayaasha Somalia ama lagu heshiisiinayo dhinac ka mid ah kooxaha Somalia ama iyagoo isku dhanba.

2. In cid alaale iyo cidii ku abtirsada Somaliland ee ka qayb gasha shirarkaas ama abaabusha ama ku taageerta sifo kasta Qawl, Ficil iyo Qoraalba kaga qaybgasha wada hadalada Somalia ee qodobkaa 1aad tilmaamayo loo aqoonsado dambiile khiyaamo qaran1, taas oo waajib ay ku tahay dhamaanba hay’adaha ku shaqada leh inay hor keenaan Maxkamadaha awooda u leh iyadoo la raacayo xeerarka uu tilmaamay dastuurku ee qodobka 130aad farqdiisa 5aad2.

 3. Gaadiidka cir, dhul iyo badba ee loo adeegsado ama qaada hawlgalkaas waxa laga qaadayaa ruqsadaha sharciga ee ganacsiga ama tan gaar ahaaneedba3.

 4. Waxa lagula dhaqmayaa Xeerkan cid alaale iyo cidii isku dayda inay abuurto urur bulsho ama nooc kasta oo ururada rayidka ah oo u shaqaynaya sidii ay Somaliland u minjo xaabin lahaayeen4.

 Go’aankan 9 waxa labada Gole wax ka bedelleyn 5 Febraayo 2012 oyago ku daray labadan Qodob:

1. In Xukuumadu ka qayb gasho shirarka loo arko in dani ku jirto, kana hor imanaynin jiritaanka qaranimada iyo Dastuurka Somaliland. 

2. Maadaama Xukuumaddu codsatay in labada Gole ku taageeraan in shirka London laga qayb galo in labada golle ay ku taageeraan 

UPDATE: 07 /12 /2012  

In a joint Resolution passed on 5 February 2012 (on a vote of 101 for, 3 against and 4 abstaining), the two House of Parliament amended, on the recommendation of the President, their previous Resolution and have added the following two Clauses:

1. The Somaliland Government may attend any meetings which are considered as being of interest (benefit) to Somaliland and which do not conflict with the existing sovereignty and constitution of Somaliland. 

2. The two House support the participation of the Government in the London Conference (to be held on 23 February 2012). 

http://www.somalilandlaw.com/Law_Prohibiting_Participation_in_Somalia_Meetings_2003_as_amended_in_2012.pdf

 

Guddida Fulinta