Taliyaha saldhiga Boliska wajaale ayaa kormeer hawleed kusoo maray tuulooyinka Geed balaadh.
Posted by abdi on October 03 2015 02:31:36

Taliyaha saldhiga Boliska wajaale ayaa kormeer hawleed kusoo maray tuulooyinka Geed balaadh iyo Godka carrada.


Extended News

Taliyaha saldhiga Boliska wajaale ayaa kormeer hawleed kusoo maray tuulooyinka Geed balaadh iyo Godka carrada. isga oo halkaasi kulamo kula sheeshay qaar ka mida odayshaasha degankaasi.  

Waxaanu Taliyuhu kala hadlay bulshada halkaasi ku  dhaqan kala hadlay sidii ay ugala shaqayn lahaayeen   ciidamada bilayska  ka hortaga wax kasta oo aminga lid ku ah. keesta kale taliyaha ayaa dadka deegaanka ka codsaday in ay la soo socodsiyaan dadka habeenkii sida lasheegay isku daya in ay qamro ka soo galiyaan jiidaasi.dhanka kale taliye kayse suudi caraale ayaa wacad ku maray in uu talaabo adag ka qaadi dono gaadhi-dameerada  iyagu khamriga ka soo talaabiya  xadka itooobiya iyo soomaaliland iyaga oo gawadhida ugu geeya tuuloyinka ka baxsan magaalada wajaale. Taliya ayaa baryahan dambe wada hawlgalo joogto ah oo ku cidhib tirayo, mukhaadaraad ,tahriibta iyo dhalinyarada kooxa samaysta rabshadahana ka aloosa magaalada. Ciidanka bilsyska ayaan  habeen  iyo dharaarba ka nasan  hawsha ay uhayaan shacab kooda hadaba tan iyo intii saldhiga wajaale loo soo magacaabay taliye kayse ayaa waxa uu wax wayn ka qabtay dhalin yaradii dadka safarka ah iyo canalayda ku  baadhanaysay koorna yaasha magaalada hadaba odayaasha magaalada ayaa  taliyaha ku  amaanay sida wanaagsan ee uu xilkiisa u gudanayo. 

 

Wariye: khaddar Cabdi C/laahi