Baaq ay soo saareen qurba joogga beesha Daa,uud Ismaaciil{ciidagale}
Posted by abdi on October 03 2015 02:41:03

Annaga oo ku hadlayna magaca jaalliyadda kor ku xusan waxaannu si mug leh uga soo horjeednaa kala daadsanaanta maamulka dawladda hoose ee gobolka maroodijeex.


Extended News

Bismillaahi Arramanirraxeem.  dammaan ummadda reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.


Ka: jaalliyada deggen dalka Ingiriiska ee ka soo jeeda caasimadda Somaliland Hargeysa, barigeeda iyo koonfurteeda.
Ujeeddo: baaq dheer oo ay bayaamiyeen qurba joogga beesha Daa,uud Ismaaciil{ciidagale} kuna wajahan ilaalinta bilicda caasimadda dalka ee Hargaysa.
Ku: Dawladda hoose ee caasimadda dalka jamhuuriyadda Somaliiland ee Hargaysa.
Og:Maammulka dawladda golayaasha qaranka iyo xisbiyada qaranka.
 
Annaga oo ku hadlayna magaca jaalliyadda kor ku xusan waxaannu si mug leh uga soo horjeednaa kala daadsanaanta maamulka dawladda hoose ee gobolka maroodijeex,kaas oo ka seexday ilaalinta bilicda magaalada oo wax badan lagu baraarujiyey kana hadleen bulshada ku nool caasimadda oo ka damqaday muuqaalkeeda hoose,sida waddo xumida,qashinka,biyo la,aanta magaalada qaybteeda koonfureed iyo habayn la,aanta iliiladaha biyo mareenka,isla maraakana ay ka dhega adaygeen waxna aanu maammulku wali ka qaban.
Haddaba waxaa is waydiin leh maxay tahay waxa mammulka dawladda hoose ee maroodijeex hortaagan?
  1. Ma garasho la,aanbaa? 
  2. Ma hagrasho magaalada dhinceeda koonfureedbaa? taas oo ah gar weecsan oo aqoon la,aani sababi karto.
Waxaanu talo ahaan ku soo jeedinayna qodobbadan hoose;
  1. Magaalada waxaa wada manaafacaadsada shacabka reer Somaliland in cid gaara dhinac loo caadiyaana ma bannaana,haddii kale waxaa iman doonto gilgilasho.
  2. Sharaftu waxay ku jirtaa xil gudasho aqooneed iyo ka dheeraansho eex.
  3. Beelaha reer Somaliland waa wada walaalo dan keli ahi ka wada dhaxayso, markay sidaas tahay ma habboona in ay cid gaari ka hadasho lexjeclada dalka caasimiddiisa, beelaha kalena ka sii jeestaan waa lagama maarmaan in ay beelaha walaaha ahi dhan u wada jeedaan oo wada ilaashadaan nabadgelyadooda, midnimadooda, sharaftooda iyo xaqooda kay dalka ku leeyihiin iyo midka ay caalamka ku leeyihiin intaba.
  4. Xisbiyada mucaaridku waa inay ka hadlaan waxyaabaha ka dayacan dalka sheegaanna in ay iyagu qabanayaan waxa uu xisbiga muxaadka ahi ee kulmiye ka gaabiyey.
  5. In xasuusnaado geerida iyo waxaa Allaah lala hor tegayo ubadka aan dambiga lahayna aan lagu quudin hantida ummadda guryahana laga dhawro waxa ku xaaraanta ah ee shacabka reer Somaliland wada leeyahay.
  6. In xorriyadooda loo celiyo madaxdhaqmeedka xabsiga aanay gayin ku jira.
  7. Shacabka reer Somaliland ha ka feejignaado in layska hor keeno. 


Wa billaahi towfiiq
Guddoomiyaha jaalliyadaha, 
qurbajoogga beesha badhatamaha,
,bariga iyo koonfurta Hargaysa,
ahna G/ku xixeenka Ururka Gaaroodi
Deggen UK.Deeq Cabdi Digale