WIKILEAKS oo Shaacisay Qorshe lagu Afgambin lahaa Maamullada Puntland iyo Somaliland
Posted by ifraax on October 18 2015 23:47:22

Warbixin ay dabaacday bishan shabakadda WikiLeaks ayaa lagu sheegay in maxaakiimta Islaamiga ahaa ee Soomaaliya ay wadeen qorshe ay ku af-gambin lahaayeen.


Extended News

Warbixin ay dabaacday bishan shabakadda WikiLeaks ayaa lagu sheegay in maxaakiimta Islaamiga ahaa ee Soomaaliya ay wadeen qorshe ay ku af-gambin lahaayeen maamullada Puntland iyo Somaliland ka hor inta aysan Somalia soo gelin ciidamada Itoobiya sannadkii 2006-dii. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa hoggaankii maxkamadihii Islaamka haatanna u xiran dowladda Somalia ayaa warbixinta shabaddu waxay sheegtay inuu qoraal sir ah u diray dhammaan madaxdii ururkaas, taasoo uu ku sheegay in loo baahan yahay in xoogagoodu ay si qarsoodi ah ugu biiraan ciidamada labadan maamul, taasoo marka dambe suuro-gelin karta in maamulladaas la af-gambiyo. Qoraalka sirta ah ee Sh. Aweys oo la marsiiyay E-mail ayaa lagu xusay inuu ugu sheegay madaxda maxkamadihii Islaamka inay muhiim tahay inay wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ku yeeshaan labada maamul si marka dambe loogu soo rogo ku dhaqanka sharciga Islaamka. “In laga furo maxkamado Puntland iyo Somaliland waa muhiim, waxaan hubka ka iibsan karnaa ciidamadooda, waana inaan ka joojino hubka ay dowladda Somalia u dirayso labada maamul,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sh. Aweyd sida ay baahisay WikiLeaks. Dhanka kale, WikiLeaks ayaa xustay in Sh. Xasan Daahir uu ku taliyay in xiriirka ka dhexeeya maamullada Somaliland, Puntland iyo Itoobiya, si qorshahoodu uu u noqdo mid hirgala. “Waa inaan ka iibsano hubkooda annagoo lacag badan ku bixinayna,” ayuu mar kale ku yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys qoraalkiisa oo cinwaan looga dhigay [Sir Culus]. Ugu dambeyn, qorshahan ka baxsan hoggaamiyaasha maxaakiimta ayaa waxaa ka mid ahaa in la aasaaso koox si gaadmo ku toogta madaxda labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.