Puntland Oo Qiratay Xadhiga Sideed Xubnood ee Komiishanka Somaliland.
Posted by ifraax on October 19 2015 18:23:55

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Max'uud Siciid Ciyoon oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidammo ka tirsan Puntland.


Extended News

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Max'uud Siciid Ciyoon oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidammo ka tirsan Puntland ay gacanta kusoo dhigeen xubno Somaliland u qaabilsanaa diiwaan-galinta doorashoyinka.

 

“Ciidanka maamulka Puntland waxa ay howlgal kusoo qabteen laba gaari oo siday qalabka doorashooyinka oo ay ku jiraan waraaqo iyo sanaadiiq ,waxaana laga soo qabtay meel 30-km dhanka waqooyi ka xigta degmada Badhan," ayuu yiri Ciyoon

“Warbixintooda oo dhamaystiran ciidanku wali ma aysan soo gudbin ,waxaana lagu wadaa baaritaano lagu ogaanayo howlaha ay u joogeen deegaanada Puntland” ayuu mar kale yiri mas’uulkan.1

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda xubnaha gacanta

Dadka ay xirtay Puntland ayaa u shaqaynayay hay’ad dhanka wacyigalinta doorashooyinka kala shaqaynaysay maamulka Somaliland, waxaana la sheegay in markii danbe lasii daayay haweeney xildhibaanad ka ahayd golaha deegaanka Ceergaab oo la socotay xubnaha xiran.

Ugu danbayn, wararka ka imaanaya Badhan ayaa sheegaya inay Somaliland wada-xoojood hoose oo lagu sii-daynayo shacabka la xidh-xidhay ay kula jirto qaar ka mid ah odayaasha degmada ee dhanka Puntland.

Komiishanka Doorashooyinka Somaliland oo saaka warbaahintu u holatay sidii ay wax uga waydiin lahayd xadhiga loo gaystay xubnaha Komiishanka ka tirsan ee maamulka Puntland u gaysteen ayaa ay afka ka xidheen ilaa hadana kamay soo saarin war sugan.

Deegaanka badhan oo inta badan xukuumada somaliland sheegto in ay somaliland ka tirsan tahay ayaa lagu xidhay xubnaha wacyi galinta wada oo marayay meel badhan 30 km kaga beegan waqooyi degmadaasi.

Hargeysa Online