Xirsi wuxuu madaxwayne siilaanyo uga dhigan yahay maahmaahdii ahayd NIMAAD DHASHAY KUMA DHALIN
Posted by xaaji on October 30 2015 06:50:37

wuxuu cagidii horeba u dooray xilaan hortii cidna loo caleemo saarin dabadiina aan cidina ka rajo qabin,wuxuu ugu yeedhay magac aan hore siyaasada somaliland.


Extended News

wuxuu cagidii horeba u dooray xilaan hortii cidna loo caleemo saarin dabadiina aan cidina ka rajo qabin,wuxuu ugu yeedhay magac aan hore siyaasada somaliland iyo xilalkeedaba aan cidi ugu maqal,wuxuu ugu wanqalay chief of cabinet kaasoo madaxwayne siilaanyo gacaladii uu u hayey xirsi uu ugu wan qalay, cid waliba waa ay kula colowday,waxaana dayaantay qaylada,madaxwayne siilaanyose kama uu quusan inaanu agtiisa ka fogaan waxaanu mar labaad u hogeeyey inuu salka u dhigo xerada madaxtooyada, taasoo uu qolqolkiisa uu uga bineeyey ardaa isaga si wanaagsan loogu sar jaray,wuxuu ugu dhawaaqay inuu noqdo wasiirkiisa madaxtooyada si uu siro badan uu ugu dhawrsado,wuxuu ka dhigtay gacan yare ku firfircoon arimihiisa gaarka ah iyo kuwa dhamaanba ka socda aqalka dalka looga arimiyo, wuxuu u ogolaaday inuu saamayn aad u balaadhan uu ku yeesho dhamaanba talada dalka,xag kasta oo loo dhigana waxaa ka muuqan jiray wasiir xirsi oo ahaa wasiirka biyo kama dhibcaanka ah ee xukuumada siilaayo,
              madaxwayne siilaanyo kamuu hagran wasiir xirsi xitaa inuu awoodihiisa qaar kamid ah uu ugu deeqo si uu uga mudnaado wasiirada kale ee ay ku wada jiraan maamulka,waxaan qarsoonayn inay ay wasiirada badidooda ama dhamaantoodba uu budh tuul u ahaa,sida ay uga cawdeen qaar badan oo xilalkooda waayay,kuwa joogaana waxaa cadayd inay in badan ka muuqanaysay hab maamuuska ka sarayneed ee uu xirsi ku dhex lahaa,taasoo wasiirada kale ku qasbaysay inay in badan u dhibir samaadaan xirsi si aanay u waayin boosaskooda,
       si walba wuu u yeelay xirsi xanaf walbana wuu ugu badheedhay si aan cidina arimaha xirsi aanay ugala hadal,cid walba wuu ka diiday inay xirsi kala muwaafaqooto mar hadii uu yahay inankiisa idman ee u gaarka ah,waxaa la ogyahay in mucaaradadii xadhka goosatay ee siilaanyo dalka kaga kacday uu sabab u ahaa kalsoonida dheeraadka ah ee uu madaxwayne siilaanyo uu siiyey xirsi iyo sidoo kale wasiirkiisii uu cidlada kaga dhaqaaqay ee maxamed cabdilaahi cumar,muran kama taagna in xitaa beesha uu ka soo jeedo siilaanyo iyo xirsiba uu dhagaysan waayey dhawr jeer oo ay ergo uga tageen diidayna inuu kala hadlo arimaha xirsi,waa kaa meeqaamka uu gaadhsiiyey madaxwayne siilaanyo,balse maanta xirsi wuxuu madaxwayne siilaanyo kaga dhaqaaqay,goob aanay cidina saadaalinayn waa aduunyo oo layaab malaha waxaanse odhan karnaa oo keliya NIMAAD DHASHAY KUMA DHALIN siduu ugu lisayna ugumuu hanbayn,masaladanina waxaay tusaale u noqon doontaa wakhtiga soo socda cidii talada dalka timaadaa inaanay awooda dadka iyo dalka aanay siinin cidaan xaqu siinin,ee la dhawro sharciyada iyo awoodaha maamul kala sarayn ee dalka .
                                              ALLAA MAHADLE
                                          Maxamed yaasiin Maxamed Ilkacase
                                                        mymnaleye@hotmail.com