Maamulka ururka Gaarrodi ku soo maray Dugsiyada ku Yaala Deegaanka degmada Sallaxlay.
Posted by xaaji on October 30 2015 07:10:39

Warbixin ku Saabsan Kormeer maamulka ururka Gaarrodi ku soo maray Dugsiyada ku Yaala Deegaanka degmada Sallaxlay iyo tuulooyinka hoos yimaadda


Extended News

Warbixin ku Saabsan Kormeer maamulka ururka Gaarrodi ku soo maray Dugsiyada ku Yaala Deegaanka degmada Sallaxlay iyo tuulooyinka hoos yimaadda


Horudhac:

29 kii ilaa 30 kii September 2015; waxa safar kormeer ah u baxay  gudoomiyaha ururka Gaaroodi mudane Mohamed Aden Dhagaweel iyo mudane Cabdrasaq Cabdilaahi Adan (xubin guddida fulinta nururka Gaaroodi) deegaanka ee xadka ismaamulka deegaanka Somalida dawladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka hooseeya iyaga oo ka warramaya safarkoodu sida uu ahaa, ujeadada safarkaasi wuxuu ahaa  u kuur gelid xaaladda dhamaan dugsiyada ku yaal deegaanka ee xadka ka hooseeya si loo ogaadao xaaladda dhabta ah ee waxbarasho ee degaanadaas oo ku kala yaala degmooyinka Salaxley iyo Sabowanaag.
Kormeerka oo qaatay muddo laba cisho ah waxaa noo suurtagalay in aanu gaadhno 29 tuulo oo ka tirsan degaanka beesha, kormeerka waxaa nagu weheliyay gudoomiyaha waxbarashada ee degmada salaxaley Mudane: Abdirahman Diriye.
Dugsiyada Waxbarasho ee Deegaanka, kuwo si fiican u camiran oo Arday badani joogto iyo kuwo hoos u dhac Arday yaraaneedd ka muuqdayba waa jiraan. Waxaana u sabab ah hoos u dhaca Bulshada Deegaanka oo reer Guura ah, abaaraha dhacay dartoodna Ardaygu raacaayo ama la guuraayo Qoyskooda. Ilaa bulshadu deegaan noqotana waa uu jirayaa dib u dhaca iyo gaabiska waxbarasho ee Deegaanka.

Xaalada Guud

Guud ahaan deegaanka waxa ka jira abaaro, inkastoo aaga barigu ka yara roonaa dhinaca galbeedka oo waxooga roobaba yaryari ka da’een, abaartuna waxay ku sii daran tahay dhinaca galbeed, sida la sheegay roob fiican ayaa ka da’ay wixii ka sareeya xadka kaas oo keenay in reero badani u guraan howdka sare, arintaasi waxa ka dhashay in dugsiyada qaar ay ardaydu ku yaraato.
Marka laga tago abaarta xaalada guud ee nabadgalyo aad iyo aad ayay u fiican tahay, dhinaca dhaqaalaha iyo nolosha kale waxaad moodaa in ay wax u kordheen dhamaan tuulooyinka marka la barbar dhigo shan sano ka hor, waayo badi tuulooyinku way koreen meherado badanina way ka furmeen, dhismayaal kordhaynay way jiraan inkastoo ay u badan yihiin saddex magaalo oo kala ah:
Salaxley
Balli Mataan
Labi-sagaalo

Xaalada Caafimaad

Guud ahaan xaalada helitaanka adeeg bixinta caafimaadka aasaasiga ah ee deegaanku waa ay hoosaysaa, badina tulooyinkaasi aanu marnay may laheyn xarun caafimaad marka laga reebo dhowr degaan oo lahaa MCH ama rug caafimaad oo bixin karta adeega kowaad ee caafimaadka (First Aid), sidaasi darted xaalada addeg bixinta caafimaadka ee degaanadaasi waxay u baahan tahay in wax laga badalo oo ugu yaraan la gaadhiisyo in dadka degaanku helaan adeega kowaad ee caafimaad iyo dawooyinkii loo baahnaa, dhinaca xirfadlayaasha caafimaad ee degaanka ku sugani way liidatay waayo xataa meelaha rugo caafimaad lihi ma haystaan xirfadlayaal caafimaad oo hanan kara baahida caafimaad ee degaankaas ay ka howlgalaan.

Xaalada Biyaha

Sida aynu la socono biyuhu waa nolosha aadamaha, laantoodna nololi suurtagal noqon mayso, haddii helitaankoodu  yaraadaana waxay caqabad adag ku noqonaysa horumarka bulsho sameyn karto, sidaasi oo ay tahay dhinaca helitaanka biyaha way ka sinaayeen dhamaan deegaanada aanu booqanay mana jiraan wax iska badalay siday ahaan jireen hadday noqon laheyd dhinaca Barkadaha, Balliyada iyo Ceelasha toona, mana muuqdaan dadaalo socda oo wax lagaga qabanayo arinta helitaanka biyaha ee degaanka, iyada oo sida la sheegay shantii sano ee u dambaysay dalka laga hirgaliyay ceelal, balliyo iyo barkado badan, laakiin taasi wuu ka qaday deegaankeenu, arintaasi waxay u baahan tahay in laga howlgalo oo ugu yaraan la isku dayo in wax laga hello deeqahaas la qeybsanyo gaar ahaan dhinaca biyaha.

Xaalada Waxbarasho

Xaalada waxbarasho ee degaanku way fiican tahay xiliga la joogo marka laga eego laba dhinac:
Haddii aad mananta barbar dhigto shan sano ka hor wax badan ayaa is badalay helitaanka waxbarashaduna wuu ka fiican yahay siddii ay ahaan jirtay.
Haddii aad waxqabadka waxbarashada aad barbar dhigto waxqabadka caafimadka iyo biyaha waxaa kuu soo baxaya in waxbarashadu aad uga horayso dhinacyadaas kale.
Sababaha Keenay in ay Waxbarashadu ka Fiicnaato Dhinacyada Kale Waa:
Ardaayada beesha oo badankoodu hoos isu abaabulay kuna heshiiyay in ay taageeraan horumarinta waxbarashada deegaankooda
Mushaharka macalimiinta ee dowladu bixiso oo si joogto ah u gaadha macalimiinta iyo maamulayaasha dugsiyada.
Dedaalka dheeriga ah ee uu sameeyo xafiiska waxbarashada degmada sallaxlay, kaas oo dabagal iyo kormeer joogto ah ku sameeya dugsiyada hoos yimaada, amar adagna ku siiyay dhamaan macalimiinta iyo maamulayaasha in dugsi kastaa furnaado saacadaha shaqada xataa haddii hal arday uu yimaado.
Tacabkii ururka GAAROODI oo bislaaday: badi dugsiyada aanu booqanay waxa ka howlgala waxna ka dhiga ardaydii ka soo baxday dugsiga Boarding ka ee Salaxley oo ah macalimiin da,yar ah oo firfircoon isla markaana leh aqoon ka heer sareysa macalimiintii awal ka sheqeyn jiray deegaanadan, arintaas amaanteeda kowaad waxa iska leh xubnihii deeqsiyiinta ahaa GAAROODI oo aan laantood tani suurtagasheen, iyo Gudoomiyaha xafiiska waxbarshada ee degmada Mudane Abdirahman Diriye, oo aad iyo aad isaga xil saaray shaqo galinta macalimiintaas.


Baahiyaha loo baahanyahy in la daboolo

Wacyigalin joogton ah kuna wajahan bulshada ku dhaqan degaanadaas dhinaca waxbarashada una baahan in kor loo qaado,Malcaamad quraan la’aan ka jirta meelaha qaar, tuulo kasta oo leh malcaamad quraan waxay si cad uga muuqatay dugsiga wayo malcaamadu waxay waraabisaa dugsiga, isla markaana arday kasta oo barta quraanku wuxuu si toos ah u gala dugsiga, meelaha aan laheyn malcaamad quraan way ka muuqatay tirada ardayda is qortay dugsiga 

Tayada Macalimiinta oo u baahan in loo qaado, inkasta oo ay hadda ka fiicaneyd tayada macalimiintu muddo ka hor haddana waxay u bahan tahay in la sii dardar geliyo si ay u soo saaraan arday waxbarasho tayo leh qaadatay oo mustaqbalka anfacda degaanka iyo dadkiisaba.
Dhismayaasha dugsiyada qaar oo dayac tir u baahan, qaar balaadhin u baahan iyo qaar deyr u baahan.

Waxaa looga baahanyahay cid kasta oo kaalmo u fidin karta deegaankan in ay ka qayb qaataan.

 

Ugu dambeyntii xalada degaameynta

Ma degaameyntu xuma hadda marka loo eego xiliyadii hore, waayo dad badan ayaa dib ugu soo laabtay deegaanka oo dib u degay, arintani waxay si fiican uga muuqatay dhinca tuulayaasha deegaankeena bari oo laga  dareemayo in feejignaanta iyo ilaalinta deegaanku ay kor u kacday, waxayna u baahan tahay in la sii xoojiyo oo la isku xidhnaado si loo ilaaliyo deegaankeena.


Ururka Gaaroodi waxaa la unkay sannadkii 2000 waxaanu jirsaday   14 afar iyo toban sannadood waxaanu ka soo qayb qaatay horumarka deegaanka uu magciisa sito iyo dalka somaliland guudahaan sida waxbarshada,waddooyinka,caafimaadka,biyaha, afooyinka  dabiiciga iyo ilaalinta deegaanka intaba waxaana u qorshaysan in uu wax badan oo kale qabto, waxaa kale oo uu  horseed u noqday ururro ka hirgalay dalka oo iyaguna horumarkiisa wax badan ku soo kordhiyey.


Wabilahi Towfiiq

 guddoomiye ku xigeenka 

ururka Gaaroodi

Deeq Cabdi Digale