M/wayne xigeenka Somaliland mudane Saylici waxaan odhan lahaa HANKAAGU HA DHAAFO HEERKAA.
Posted by ifraax on October 31 2015 02:22:57

Muranka iyo kala jabsanaanta xisbiga kulmiya waxay ahayd mid mudoba aad looga dheehanayey hab dhaqanka masuuliyiinta kulmiye.


Extended News

Muranka iyo kala jabsanaanta xisbiga kulmiya waxay ahayd mid mudoba aad looga dheehanayey hab dhaqanka masuuliyiinta kulmiye iyo taageerayaashiisaba,xaqiiq waxaa ah in kulmiye uu tartankii dorashada madaxwaynaha uu kaga guulaystay xisbigii muxaafidka ahaa ee udub,iyo weliba xisbi mucaaradeedkii kale ee ucid,inkastaa guul daradaa uu xisbigii udub uu ka soo waaqsan kari waayay,oo uu uba dhintay hadana khilaafkan hada asiibay xisbiga kulmiye waa mid ku salaysan,tartanka musharaxnimo ee xisbiga dhexdiisa,taasoo qof walba uu ka dhex arkay hankiisa siyaasadeed,damiciisana kordhisay,inkastoo madaxwaqyne siilaayo uu dhowr jeer ku dhawaaqay inaan laysku dul qabsan kursiga uu ku fadhiyo,uu yahayna musharax u taagan inuu dhamaysto labadiisa kalmadaxeed,ay ahaydna ta keentay in ragii musharaxiinta ahaa ku dhawaaqaan in ay yihiin haakah sugaayaal,yay hadana eega uun soo shaac baxaysaa in madaxwayne siilanyo aanu musharax ahayn,inkastuu aanu afkiisa taasi aanu kaga dhawaaqin,mar uu saaxaafada la hadlayeyna wuxuu ku gaabsaday su'aal arintaa laga waydiiyey wakhtigeeda ha la gaadho,
                Balse arintaa waxaa ay ka cadaatay madaxwayne ku xigeenkiisa oo isagu cadaystay inuu musharax yahay u taagan jagada ku xigeenimada isagoo weliba cadeeyey inuu u yahay kuxigeen mujaahid muuse biixi cabdi uu isagu ah ninka ilaa hada ugu cadcad musharaxa xisbigaas ee golihiisa dhaxe,hadaba taasi waxay meesha ka saaraysaa musharaxnimada madaxwayne siilaanyo iyo inaanu xilkaasi sii wadan karin mudi intaasi ka badan sabab kasta ha ahaatee,balse waxaan jecelahay inaynu isla eegno sababaha guracan iyo cadaalad darada ka dhex jirta xisbiga kulmiye dhexdiisa iyo weliba han yaraanta iyo liidnimada ka muuqata madaxwayne ku xigeenka jamhuriyada somaliland mudane cabdiraxmaan ismaaciil saylici.
           Waxaa laynoo sheegaa in qaabka maamul ee aynu qaadanay hadii aynu somaliland nahay uu yahay ka maraykanka,kaasoo ay tahay in hadii madaxwaynuhu dhamaysto labadiisa jeer ama mid ahaan ka kalena uu isasoo taagi kari waayo ay tahay in uu isasoo taago madaxwayne ku xigeenkaasi xisbigaa ay ka soo baxeen dhexdiisa,ay tahayna mid aan sharciyan loo baahnayn in cid kale isasoo sharaxdo,taasoo ay tahay wuxuu saylici isagoo ku dhowaad todoba sano noqon doona madaxwayne ku xigaan uu hadana uu isu soo taagayaa madaxwayne ku xigeen kale,taasi miyaanay u muuqanayn liidnimo iyo inuu yahay qof aan marnaba buuxin karin madaxwaynenimada qarankan?miyaanay ceeb ku ahayn isagoo jagadaa mudo soo hayey inuu hadana mid cusub oo uu shalay madaxwayne uu u ahaa uu ku xigsado?miyaanay kuula muuqan in xaq uu lahaa layska indho tiray?miyaanayse isaga sharaftiisa ahayn hadii aanuba madaxwayne isu sharixi karin inuu isna ka fadhiisto kursigaa sida madaxwaynihiisa una baneeyo ragan uu maanta la tartamayo?
                 Waxaa jira iyana rag Saylici liidnimadaa ku raacsan oo beel ahaan ugu hiilinaya aadna u aflagaadaynaya qaar isga ugaga qiimo badan inay isa soo sharaxaan,kuwaasoo siyaasiyan aad moodo inay ugaga firfircoon yihiin Saylici wax badana ku soo kordhin lahaa somalilandta maanta,sida isdhexgalka,fidinta iyo midaynta bulshada reer somaliland,anoon cidna kuwaas aanan ka magacaabayn hadana waxaan ku talin lahaa in kuraasta dalka loo tartamaa aan qabyaalad la le'ekaysiin ee ha noqdaan mid loo siman yahay bari,galbeed iyo badhtamahaba, Saylicina waxaan leeyahay hankaaga kor u soo qaad.
                                                 Wabilaahi tawfiiq
                                                                               ALLAA MAHADLE
                                                               Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed Ilkacase
                                                                                                    mymnaleye@hotmail.com