Putin oo joojiyay Duullimaadyadii ay ku tegi jireen Masar.
Posted by abdi on November 07 2015 08:58:37

Xukuumadda Ruushka ayaa maanta shaacisay inay ka mamnuucday diyaaradahadeeda duullimaadyadii ay ku tegi jireen dalka Masar.


Extended News

Xukuumadda Ruushka ayaa maanta shaacisay inay ka mamnuucday diyaaradahadeeda duullimaadyadii ay ku tegi jireen dalka Masar, kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in diyaaraddii ku burburtay Siinaay ay u dhacday gantaal lala helay. Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa joojinta duullimaadyadii Masar ay ku tegi jireen diyaaradaha Ruushka ka sheegay Moscow kaddib markii saraakiil Mareykan iyo Birtish ah ay sheegeen inay rumeysan yihiin in bam lagu qariyay diyaaraddii Ruushku laga ee ka duushay garoonka magaalada Sharma Al-Sheikh ee Masar, iyadoo diyaaradaas ay ku geeriyooday dhaemaan rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaraddaas saarnaa oo tiradoodu ahayd 224-qof. Britain iyo Faransiiska ayaa sheegay inay joojiyeen duulimaadyadii ay diyaaradahoodu ku tegi jireen dalka Masar, iyagoo sheegay inay kala baxayaan muwaadiniintooda Sharma Al-Sheikh dalxiiska ku joogay. Xoogag taabacsan kooxda IS ayaa sheegtay mas’uuliyada dhicitaanka diyaaraddaas, balse ma sheegin qaabka ay u soo rideen diyaaradda oo dhacday wax-yar uun kaddib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Sharma Al-Sheikh. Sidoo kale, saraakiil u hadlay Britain ayaa sheegtay in ay heleen warar sir-doon oo ay is-dhaafsanayeen kooxda ka dagaalanta Siinaay iyo ururka Daacish ee ay xiriirka leeyihiin, iyagoo isku sheegayay in diyaarada Ruushka laga lahaa lagu soo riday gantaal. Vladimir Putin ayaa go’aanka joojinta duulliymaadyadii ay diyaaradaha Ruushku ku tegi jireen dalka Masar ayaa yimid, kaddib kulan uu la qaatay mas’uuliyiinta dalka ammaanka ee dalkaas oo ka dhacay Moscow. Putin ayaa hadalkiisa ku daray in dowladiisu ay ka shaqeyso sidii muwaadiniinta Ruushka u dhashay ee dalka Masar ku sugan ay si ammaan ah dalkooda ugu soo laaban lahaayeen. Iyadoo xukuumadda Moscow ay sheegtay in 45,000 oo Ruushan ah ay Dalxiis u joogaan waddanka Masar. Dhanka kale, muwaadiniin British ah oo la filayay inay maanta dalkooda dib ugu laabtaan ayaa baaqday kaddib markii ay dib u dhaceen diyaaradihii qaadi lahaayeen. Shirkada Easy-jet ayaa sheegtay in dowladda Masar ay kuso

Hargeysa Online