Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay shaqaalaha dowladda hoose.
Posted by abdi on November 07 2015 23:44:54

Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho , Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta kulan la yeeshay shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar.


Extended News

Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho , Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta kulan la yeeshay shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar,

 

isagoo ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladaha ay ku shaqeeyaan, kulana dar-daarmay inay shaqooyinkooda xoojiyaan. Kulanka oo ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa shaqaalihii goob-joogga ka ahaa kulanka waxay ballan-qaadeen inay la shaqeynayaan xilli waliba, isla markaana ay sii xoojiyaan shaqooyinka ay u hayaan bulshada Muqdisho. Madaxa shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir Maxamed Gacal Muudey ayaa isagana ka sheegay kulanka in shaqaalaha Dowladda Hoose ay marxalado adag kusoo shaqeeyeen, isla markaana ay haantanna diyaar u yihiin inay shaqadooda laba-jibaaraan. Sidoo kale, guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa dhankiisa ku bogaadiyay shaqaalaha inay si hagar la’aan ah u gutaan waajibadka shaqo ee loo ig-maday. Dhanka kale, guddoomiyaha gobalka Banaadir, Jimcaale oo kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay inuu xallin doono baahiya ay qabaan shaqaalaha, balse dhankooda looga baahan yahay inay bulshadooda wax u qabtaan. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho wuxuu sheegay in meel wanaagsan ay mareyso horumarka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho; marka loo fiiriyo sidii ay ahayd sannad ka hor, isla markaana u baahan in si wadajir ah loo xoojiyo horumarka la gaaray.

Hargeysa Online