Kenya oo sheegtay in Ciidamadooda ay toogteen Xubno ka tirsan Al-shabaab.
Posted by abdi on November 07 2015 23:49:15

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa sheegay inay dileen Jimcihii shalay sagaal xubnood oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab ee Somalia.


Extended News

Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa sheegay inay dileen Jimcihii shalay sagaal xubnood oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab ee Somalia, kaddib howlgallo ay ka sameeyeen howdka Soomaaliya. Afhayeenka millateriga Kenya, Col. David Obonyo ayaa sheegay in xoogagga ay wateen gaari ayna ciidamadoodu eryadeen, kaddibna ay dhamaantood ku dileen goobtaas. “Waxaan xoogaggii Al-shabaab ka furanay sagaal qori oo AK-47-ka ah, shan miinooyinka dhulka la geliyo ah, rasaas iyo gaarigii Toyota ah, kuwaasoo ay isticmaalayeen xubnihii toogashada lagu dilay,” ayuu Col. Obonyo u sheegay wargeyska The Star ee kasoo baxa Kenya. Sidoo kale, afhayeenka millateriga Kenya ayaa hadalkiisa ku daray in sidoo kale ay kala wareegeen Al-shabaab doon ay kaga gudbaan webiga Jubba ee gobolka Gedo. Wuxuuna beeniyay warar sheegayay in ciidanka Kenya iyo Al-shabaab ay ku dhex-mareen dagaallo Billis-qooqaani iyo Taabto oo gobolka Jubbada Hoose ka tirsan. “Wararkaas ma ahan kuwo run ah. Balse waxaa jiray dagaallo kooban oo aysan cidina ku dhiman, wax ku dhaawacmayna aysan jirin,” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka KDF-ta dalka Kenya. Col. Obonyo ayaa intaa ku daray in ciidamadooda ka tirsan AMISOM ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo warbaahinta uga digay in ay faafiyaan warar aan run ahayn. “Ma jirto cid aan kala hadlay arrimahaas, waxaanse la yaabanahay halka ay wararkaas ka heshay warbaahinta qaarkood,” ayuu mar kale yiri Col. Obonyo oo la hadlayay wargeysta The Star ee Kenya. Ugu dambeyn, warka Afhayeenka ciidamada Kenya ee ku saabsan inay xubno ka tirsan Al-shabaab dileen ayaa imaanaya xilli toddobaadyo ha kaddib markii uu sheegay Col. Obonyo inay burburiyeen saldhigyo ay Al-shabaab lahaayeen ayna dileen 15-xubnood oo Al-shabaab ka tirsan.

Hargeysa Online