Warsaxaafadeed Isbahaysiga Mucaaridka Kulmiye oo Qaadacay Shirka Golaha dhexe.
Posted by abdi on November 09 2015 00:27:00

Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye waxay xubno hoggaanka ahi u beddeleen goob ay Ku ururiyaan dadweyne taageerayaal Laba Musharax.


Extended News


WARSAXAAFADEEDKA ISBAHAYSIGA MURASHIXIINTA XISBIGA KULMIYE 


08/November/2015
Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye waxay xubno hoggaanka ahi u beddeleen goob ay Ku ururiyaan dadweyne taageerayaal Laba Musharax oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Iyo madaxweyne Xigeenka aynay u ololaynayaan guddoomiye Xigeenka 1aad Iyo Xoghayaha xisbigu. Waxaanay madaxtooyadu ay labadaa xubnood ee iskood isu cumaamadday Gacan buuxda ku siisay in ay si sharci darro ah Ku afdoobaan Shirkii golaha dhexe, kaasoo u horseedaaya burburka Xisbiga kulmiye. Badiba golahii dhexe , aqlabiyaadda guddida fulinta, Hoggaankii Xisbiga iyo shirguddoonkii baarlamaanka ee Xisbiga kulmiye iyo inta badan musharixiintii Xisbiga kulmiye ee diyaarka u ahaa in ay tartan galaan waxaa u suuratagali wayday in aanu helno saaxad xalaal oo loo siman yahay oo Lagu baratami karo.



Musharixiintayadu waxaanu isku daynay in ay kooxda afduubtay Xisbiga Ku Soo celino xayndaabka wadatashiga si loo helo qaab xisbigu uga midoobo Saaxad laga Soo wadaqaybgalo oo Lagu tartamo , hase yeeshee waxay ka suuragal geliweyday madaxtooyada.
Waxaa madaxtooyadu abuurtay guddi ka tirasan xukuumadda, kuna jirin haykalka Xisbiga oo aan awood sharci u lahayn in ay arrimaha Xisbiga ay dhexgalaan oo markiiba aan caddaynay in ay maroorsanayaan awooddii guddida fulinta ee ahayd 44ka xubnood oo leh Awooda hawlmaalmeedka Xisbiga, isla markaana goaan ka gaadha Hawlaha Xisbiga kalfadhiyada golaha dhexe dhexdiisa, sida uu qeexaayo qodobka 33aad xarafkiisa kh.
Sidaa darteed Waxaan goaansannay in aanaan ka qaybgelin Kulankaa sharci darrada ah ee Lagu afduubay, Laguna burburinaayo Xisbiga kulmiye. Kulankaas oo la sheegay in uu dhacaayo 10 November ee Lagu ururiyay dadweyne labada Musharax casuumeen, ay madaxtooyaduna hormuud ka tahay si damacooda siyaasadeed si sharciga Xisbiga iyo ka golaha dhexe ka baxsan , ay isugu cumaamadaan, Laguna tagrifalo awoodihii golaha dhexe, guddida fulinta, iyo hogaankii Xisbiga.


Magacyada Murashixiinta Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye1.Maxamed Biixi Yoonis.                  Murashax Madaxwayne 1.Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe).    Murashax Madaxwayne
1.Cabdi-casiis Maxamed Samaale.    Murashax Madaxwayne
1.Faarax Cilmi Geedoole.                  Murashax Madaxwayne-ku-xigeen
1.Cabdiraxmaan Cismaan Caalin.  Murashaxa Gudoomiyaha Golaha-dhexe ee Xisbiga Kulmiye.