Wariye Axmed Xasan Cawke oo saaka aroortii ku geeriyooday Magaalada Jigjiga.
Posted by ifraax on November 17 2015 21:53:19

Weriyihii caanka ahaa ee BBC-da la soo shaqeeyay Axmed Xasan Cawke ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.


Extended News

Weriyihii caanka ahaa ee BBC-da la soo shaqeeyay Axmed Xasan Cawke ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Masuuliyiinta u tacsiyaysay waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxwaynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, iyo madaxwaynaha Somaliland, Axmad Siilaanyo.

Madaxwayne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Cawke, uu baal dahab ah ka galay taariikhda ummadda Soomaaliyeed.



Boqolaal Taleefan oo tacsi ah ayaa durtabadiiba soo gaadhay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

Geerida Weriye Axmed Xasan Cawke waxaa maanta xaqiijisay gabadha keliya ee ay walaalo yihiin Cawke oo magaceedu yahay Canab Xasan.

Waxay sheegtay Canab in walaakeed Axmed Xasan Cawke uu xalay goor danbe kala soo hadlay teleefanka oo uu u sheegay in neeftu hayso oo uu aad u xanuunsanayo, kaddibna loo soo xaqiijiyay in uu geeriyooday.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Raadyo Muqdisho 1972, isaga oo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Telafeshinkii Soomaaliya, kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii saomaaliya.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka Soomaliga ee BBC sanadkii 1996, isaga oo si weyn loogu yaqaanay barnaamijkii madadaalada iyo Salaamaha.

Waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaliga ee VOA iyo dhowr telefashin oo gaar loo leeyahay.

Waxaa la filayaa in maydka Axmed Xasan Cawke la keeno Somaliland oo aas qaran loo sameeyo.

 

Hargeysa Online