Axmed Xasan Cawke Halyey kaloo inaga caraabay.
Posted by ifraax on November 18 2015 22:31:06

Waxay yidhaahdeen wuxuu dhashay 1948 DADKII UU U SHEEGAY OON AFKIISA MAANTA KA MAQLAAYEY WERIYE XASAN MAXAMED YUUSUF sanadkana wuu dhintay oo ah 2015 


Extended News

Waxay yidhaahdeen wuxuu dhashay 1948 DADKII UU U SHEEGAY OON AFKIISA MAANTA KA MAQLAAYEY WERIYE XASAN MAXAMED YUUSUF sanadkana wuu dhintay oo ah 2015 waxaa u dheer in ay ahayd bishii kow iyo tobnaad lix iyo tobankeedii,siday yidhaahdeen wuxuu mihnadiisii qaaliga ahayd magacan asturan iyo sumcadan cirmartay uu ku helay caankana ka dhigtay ilaa qof kasta oo ku hadla afkan soomaaligu uu aad u jeclaa uu ku biiray 1972 DII IN KASTOO DADKA QAARNA AYBA LAHAAYEEN 1973 dii taasi waxay ka dhigaysaa inuu in ka badan 43 sanadood uu u ehel ahaa makrafoon iyo tebintii,dad badana ay hadh iyo habeen ay isaga sugi jireen barnaamijyadiisii xiisaha lahaa wararkii iyo dhacdooyinkuu soo bandhigi jiray,maanta taasi way dhamaatay,awood u itaal sheegatay ayaana soo af jartay,wuu socdaalay socod aanu inagu soo noqon doonin,wax kastuu ahaa,ama uu soo maray maanta waxaa uga fiican amaanteeda inaan u ducayno uga ducayno hadiiba uu qalaadaaad noloshu ay hor keentay uu soo maray,wuxuu u baahan yahay in dhamaan la wada cafiyo yar iyo wayn qof kastoo aqoon taabasho ah u lahaa iyo mid sidaydaa aqoon maqal u lahaaba,maanta waa adoon uu oofsaday alihii lahaa,waxaana loo jujuubay caalam kale oo aanu wax aqoon ah u lahayn maqal mooyaane sideenaa ,u waydiiya alle inuu su'aasha u fududeeyo,qabrigana uu u waasiciyo,INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN,KULU NAFSU DAA4IQATUL MOWT, waa weriye sare Axmed Xasan Cawke saaka ayuu ku xijaabtay aradka jigjiga cisbitaal ku yaala oo kaaraamardha isbitaal loogu yeedho,ilaahay how naxariisto umada muslinka ah ee soomaaliyeedna samir iyo iimaan eebe haka siiyo,ehelkii qaraabadii iyo qoyskiisiina samir iyo iimaan alle hawgu deeqo,xaaskii iyo caruurtuu ka tegayna Eeebe cawil khayr qaba hawgu bedelo,isagana janadiisii iyo raxmad ayaanu u waydiinaynaa inuu ugu deeqo aamiin aamiin aamiin
                                  mymnaleye@hotmail.com