Safaaraddii Soomaaliya ay ku lahayd Washington oo dib loo furay 25-sanadood kaddib.
Posted by abdi on November 20 2015 02:49:37

Arbacadii shalay oo Taariikhdu ay ku beegnayd 18-ka November, 2015-ka, ayaa magaalada Washington ee xarunta Maraykanka.


Extended News

Arbacadii shalay oo Taariikhdu ay ku beegnayd 18-ka November, 2015-ka, ayaa magaalada Washington ee xarunta Maraykanka waxaa ayaa xarigga looga jaray safaaradda Somalia ee dalka Maraykanka, iyadoo safaaraddu ay xirnayd ku dhawaad 25-sano.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa 18-kii, September, 2015-ka waraaqahii aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh uu u magacaabay Mareykanka, Axmed Ciise Cawad oo xarigga ka jaray xafiiska cusub ee safaaradda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku wehlinayay qunsulka cusub, Thaabit Cabdi Maxamed. Xafladda furitaanka safaaradda lagu taagay Calanka buluugga ah ee Soomaaliya, kaasoo laga suray qaybta sare ee safaaradda Somalia ee Washington. Safiirka Somalia ee dalka Mareykanka, Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa xilkan safiirnimo ee loo magacaabay kaga horreeyay, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo dhowr bilood kaddib loo magaacabay ra’iisul waasaraha Soomaaliya. Danjire Cawad oo la hadlay hargeysa online ayaa yiri. “Aad ayaan ugu faraxsan-nahay inuu calankii Soomaaliya dib uga luxanayo hawada Washington DC muddo 24-sano ah kaddib.” Isagoo intaas ku daray. “Furitaanka safaarada dan ayaa ug jirta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.” Madaxdii iyo marti-sharaftii kasoo qayb-gashayna xafladda furitaanka safaaradda Somalia ee Washington waxaa ka mid ahaa; wasiirka arimaha dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar, wasiirro hore, xildhibaanno Soomaali ah, Senator Amy Klobuchar iyo Rep. Keith Ellison oo matalaya gobolka Minnesota, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Afrika, Linda Thomas- Greenfield. Sidoo kale, waxaa kasoo qayb-galay xafladda safaarado badan oo ka kala socday dawlado badan oo kala duwan iyo boqollaal dadweyne ah oo aad u faraxsanaa; kuwaasoo ka kala yimid gobollada Maraykanka iyo dalka Canada kuwaasoo u soo socdaalay inay ka qayb-galaan furitaanka safaaradooda. Isla habeenkii Arbacadii xalay waxaa casha sharaf lagu qabtay Washington DC, waxaana kasoo qayb-galay madax badan oo uu ka mid ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo. Ugu dambeyn, Soomaalidii xanuunka safaarad la’aanta si weyn u dareemi jiray; waxaa ka mid ah Farxiyo Cabdi oo ka mid ah Soomaalida ku nool Mareykanka oo la hadashay Hargeysa Online iyadoo tiro. “Markii Washington DC aan ka dhiganayay iskuulka ka dhigayay ardayda yar-yar ee ajnabiga ah waxay iiga sheekeyn jireen in safaaraddooda ay barnaamijyo u qaban jirtay, aniga aad baan uga xumaan jiray xilligaas..

Hargeysa Online