SIYAASAD DHAWR IYO TOBAN JIRA!
Posted by ifraax on December 08 2015 07:13:50

Ceebaha aynu leenahay haddii aynu shacabkii nahay waxa weeyi ma qiimayno dadkeena iyo Hogaamiyayaasheena , dib uma fiirino taariikhdooda.


Extended News

Ceebaha aynu leenahay haddii aynu shacabkii nahay waxa weeyi ma qiimayno dadkeena iyo Hogaamiyayaasheena , dib uma fiirino taariikhdooda iyo geedi-socodka waayo aragnimo iyo jaanib-yadooda Siyaasadeed .  ka dhawr Sanno siyaasada ku jirayba hadduu makafoonka qaato , oo uu cambaarayn la daba istaago Siyaasiyiinta waaweyn ee qaranku leeyahay ,  cida ay tilmaamayaan waa inaga waa shacabka inaga ayay ina caayayaan . waxaa loo baahan yahay in loo fiirsado , waa in aynu dhuuxnaa oo aynu u dhug yeelanaa haddalo badan . Haddii aynu taa samayno  dad badan ayaan ku dhiiradeen hadalo badan ama fagaarayaasha siyaasada aan lagu arkeen oo xishoon lahaa. Bal ila dhawra ereyadan “Dhawr iyo Toban Sanno oo aan siyaasada ku jiray Wallaahi Maan arag Burco oo sidaa u midaysan”!! waa Xildhibaan Waabeeye ninka hadal kaas lahaa , Codkaasi waa mid duuban oo warbaahinta ku jira.

Ma jecli inaan manta waxbadan sheego, balse waxaa igu kalifay hadalo Durid ah oo uu Xildhibaan waabeeye warbaahinta u mariyey Gudoomiyaha ahna Musharaxa Kulmiye Muse Bixi Cabdi oo aad moodasay inuu tilmaamayey Gudoomiyaha oo uu siyaasada kaga khabiirsan yahay isaga oo lahaa “  Suuq gobanimo waxaa haboonayd inuu booqdo Maayorka Hargeisa”

Haddaba, Nin siyaasada ku jiray Kow iyo toban sanno marka uu tilmaamo Siyaasad Afartan  Jira miyeyna Ceeb iyo wax laga xishoodo ahayn. Waa mid isweydiinteeda leh kow iyo toban sanno ka hor shalay ayay ahayde halkee ayuu joogay ?  ileen intaa ayuun buu leekaaye. Ma jinsiyad kale ayuu sitay miyuuna muwaadin ahayn?

Arinta labaad , kow iyo tobanka sanno ee aad siyaasada ku jirtay ee aad tilmaantay in Burco GREEN-LINE ka jiray dhufaysna la isugu jiray , colaad iyo cudur qabiilna dul hoganaayey. Ileen waadiga sheegay inaanad arag burco oo sidan u midaysan dhawr iyo toban sanno e. Adiga oo waliba Xildhibaan Gobolkaa laga soo doortay ah, Maxaad ugu Practice garayn weyday Siyaasadaada curdinka ahayd oo aad arintaa ……..?

 

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa/Somaliland