Donald Trump iyo Jeb Bush oo Hadallo kulul isku dhaafsaday.
Posted by abdi on December 16 2015 23:40:54

Sagaal musharrax oo ku tartamaya sidii ay u noqon lahaayeen qofka Xisbiga Jamhuuriga ee waddanka Mareykanka u meteli lahaa doorashada madaxnimo ee dalkaas.


Extended News

Sagaal musharrax oo ku tartamaya sidii ay u noqon lahaayeen qofka Xisbiga Jamhuuriga ee waddanka Mareykanka u meteli lahaa doorashada madaxnimo ee dalkaas ka dhici doonta sannadka soo socda ee 2016-ka; ayaa waxay xalay dhexmartay dood kulul oo diiradda lagu saaray amniga Qaranka.

 

Dooddan ayaa diiradda lagu saaray baaqii murashax Donald Trump ee ahaa in muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Mareykanka. Waxaana Trump oo difaacaya baaqiisaas uu yiri. “Kama hadleyno diin ee arrinta aan ka hadlayo tan amniga Mareykanka.” Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Shacabku way jecel yihiin hadalka aan oranayo, dadku way xushmeeyaan waxaan sheegayo, waxaana furnay dood aad u ballaaran oo loo baahnaa in la furo.

 

.Murashaxiinta intooda badan ayaa diidanaa inay si toos ah uga hortagaan Trump, marka ay timaado arrintan; taasoo walaac xooggan ka dhalisay gudaha wadanka Mareyanka, iyadoo abuurtay nacayb ka dhan ah muslimiinta Mareykanka. Guddoomiyihii hore ee gobolka Florida, Jeb Bush ayaa weeraray Donald Trump wuxuuna yiri. “Marna noqon maysid madaxweynaha Mareykanka - adigoo af-lagaado ku raadinaya madaxweynenimada Mareykanka.” Trump oo u jawaabayay ayaa yiri. “Aan aragno, waxaan haystaa taageero 42% ah, adigana waxaad haysataa 3%.” Isagoo tixraacayay codad ururin horay loo sameeyay oo uu isagu u hayo hoggaanka.

Hargeysa Online