Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Shaaciyay In Uu U Sharraxanyahay Murashaxnimada Xisbiga UCID iyo Beeshiisa Oo Ku Gacan Saydhay.
Posted by ifraax on December 20 2015 04:20:33

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo haldoorka beesha uu ka soo jeedo ayaa markale fooda isku daray shir doceed, kaas oo lagaga wada hadlaayay khilaafka Xisbiga UCID.

Extended News

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo haldoorka beesha uu ka soo jeedo ayaa markale fooda isku daray shir doceed, kaas oo lagaga wada hadlaayay khilaafka Xisbiga UCID iyo weliba in Guddoomiye Faysal lagu qanciyo in aanu isku soo sharraxin murashaxnimada xisbiga UCID.

Shirkan oo daba socday shir doceed habeen hore dhex maray hal-doorka beesha Faysal Cali Waraabe ayaa waxa si weyn la iskugu mari waayay in guddoomiye Faysal ka tanaasulo murashaxnimada xisbiga UCID iyadoona Faysal Cali Waraabe halkaasi ka caddeeyay in uu isku soo taagi doonno murashaxnimada xisbiga ucid gudihiiisa isagoona kula tartami doonna murashaxa hadda ee Jamaal Cali Xuseen.

Xubnaha beesha Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ka tirsan ee shirkaasi ka qayb-galay ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aanka Faysal Cali Waraabe iyagoona ku gacan saydhay in uu isku soo sharraxo musharaxnimada Xisbiga UCID.

Warkan ayey  xaqiijiyeen ilow-wareedyo ka dhawaa kulanka guddoomiye Faysal iyo Hal-doorka beeshiisa oo galinkii danbe ee maanta ka dhacay Hotel Dalxiis ee Magaalada Hargeysa.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in shirka lagu kala kacay ka dib markii Faysal Cali Waraabe uu ku adkaystay in aanu ka tanaansulayn in uu isku soo sharraxo murashaxnimada Xisbiga UCID.

Ugu danbeyntii, Warkan ayaa waxa uu imanayaa ka dib markii Guddoomiye Faysal Cali Waraabe uu habeen hore shir doceed ay beeshiisu la yeelatay ka sheegay in aanu isku soo sharraxi doonin murashaxnimada xisbiga ucid.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa waxa ay sii murginaysaa khilaafkii dabada dheeraaday ee muddooyinkii u danbeeyay u dhexeeyay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Murashax Jamaal Cali Xuseen.

Hargeysa Online