Hanbalyo ku socota musharaxa u taagan golaha baarlamaanka somaliland ee doorashada 2017ka ee gobolka maroodi jeex .
Posted by abdi on December 25 2015 20:09:21

aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta halkan an ugu soo hanbalyeeyo anigoo ah maxamed yaasiin maxamed walaalkay ahna saaxiibkay cabdi ismaaciil abiib.


Extended News

aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta halkan an ugu soo hanbalyeeyo anigoo ah maxamed yaasiin maxamed walaalkay ahna saaxiibkay cabdi ismaaciil abiib cabdi ayaanle oo u taagan murashaxa golaha wakiilada Somaliland ee doorashada soo socota ee 2017 ka kaasoo ka sharaxan gobolka Maroodi jeex,sidaa la ajligeed waxaan eebe uga rajaynayaa inuu u fududeeyo hawshaa adag iyo tartankaa dhibka iyo xanafta badan ee horyaala,intaa dabadeedna in eebe wanaaga cadaalada iyo inxilkaanka hawl gudasho uu eebe u sahlo una fududeeyo hawshiisaa,anaguna hadaanu nahay dhamaan jaaliyada reer biljan waxaanu kuu rajaynaynaa guul iyo gobanimo insha allah .

 

 
   musharaxa xildhibaanimo ee mudane Cabdi Ismaaciil Abiib Cabdi Ayaanle oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah wuxuu nasiib u heliyay taariikhda markii ugu horaysay ee isaga oo aan goob joog ahayn ay u gartaan dadwaynaha dooranayaa inuu u matalo kuraasta baarlamaanka somaliland,waxaanan aad ugu hanbalyaynayaa soo doortayaashaas anay asiibeen taasina ay u tahay tusaale fiican dhamaan bulshada reer somaliland,iyagana waxaan leeyahay eebe wanaaga haydin waafajiyo
                     maxamed yaasiin maxamed
                                   myaasiin143@hotmail.com
                                             Bilguim Antwerpen