maansadii BURCO waxay soo baxday 20.12.1984
Posted by abdi on December 25 2015 20:14:22

waxaan ahaa ardaydii wax ka baraanaysay dusiga sare ee shiikh bashiir sanadihii sideetamaadkii hadaba aroor hore oo ay bishu ahayd 20.12.1984kii.


Extended News

waxaan ahaa ardaydii wax ka baraanaysay dusiga sare ee shiikh bashiir
sanadihii sideetamaadkii hadaba aroor hore oo ay bishu ahayd 20.12.1984kii
ayaanu anagoo arday ad u badan ah waxaanu soo beegsanay guriga martida ee
magalada burco halkaas oo maxkamadii badbaadadu ay ku xukumaysay 43 nin
oo ahaa intii markaas ugu muda karsanayd guud ahaanba dadkii degaanka u ahaa
gobolka togdheer gaar ahaan magaalada burco mudo saacado ah kadib ayaa nimankii
waxaa lagu qaaday gaadhi qafilan kaasoo u soo jahaystay dhinaca koonfureed ee
magaalada halkaas oo uu nagaga beegnaa goobta toogashada dadka ee loo yaqaano
badhka,shaki aanu ka qabno dartii waxaanu soo beegsanay anago aad u faro badan
goobtii ay baabuurtu u soo jahaysatay markise aanu meeshii soo gaadhnay ayaa waxaanu
kula kulanay dhacdo argagax iyo murugadeda wadaata taasoo ahayd;sidan.
  waxaa loo qaybiyey nimankii laba qaybod,qaybta koowaad waxa lagu soo tigtigay biro
si siman loo safay kuwaasoo loo xidhay mid waalba laba go' oo cad cad qybta labaadna
waxaa la dul tubay xorfad aad u balaadhan oo ay qoday cagaf ayna weli dul taagan tahay
waaxaanay ku lebisnaayeen mid walba laba go' oo laan mulaaxo ah,waxaa ku sugnaa meeshaasi
ciidamo aad u baaxad leh oo isugu jira efenteri iyo tigniko u badan baroono iyo barono
in yar kadib waxaa la so safau ciidankii lugta ahaa oo ka kobnaa sadex raac waxaana la amray
inay rasaasta ku furaan raacii biraha ku xidh xidhnaa ilaa ay naftu kaga baxday dhamaantood
u soona cadeeyey dhakhtarki ay wateen wakhti yar kadibna waxa baroonkii iyo beebeegii lagu
furay raxantii labaad oo hore ay godkii u sii dhex gasheen,waxayahayd taariikhdayda maalintii
ay iigu naxdinta badnayd iiguna murugada badnayd keligayna may ahayne waxaa ku sugnaa goobtaa
kumanaan ka mida dadwaynihii reer burco iyadoo qofna aanu garanayn sababta ay u dhinteen ama loo
laayey dadkaas oon ka ahayn qabyaalad iyo jiritaankoda,waxaan u soo luuday qolkii aan ka deganaa
hoygii dugsiga maalintaas ayan hal abuuray maansadan la baxday burco waana tan akhris wanaagsan
bogcadii firdhidin
afbakayle iyo
beer dhiga kolkii
birta laysla dhacay
baaruuda iyo
buntuqiyo jikruhu
goortuu badhxamay
boobuhu hinqaday
ferenjigii bilaa
waatuu babaday
cagaha boodh ka dayey
sow bilaalihii
shiikh bashiir murtida
ku bayaamiyee
budhka uu la helay
ma ahayn bidhaan
darwiishkii burjiga
birmadkow lahaa
ragii laga babaday
kuwii looga baxay
buran iyo taleex
sow baadilkiyo
beerka uma dhigin
sow oomaar ma bu'in
baaqiisii adkaa
wax lakala badhiyo
bulshadaydu waa
daraan baylah gelin
sow laguma bidhan
halgankii bilaa
kuwii baahiyee
ilaa bogox ka riday
baalaha arlada
ee bidhanshayee
xarakada boqraday
beeraha xornimo
barkhadcas iyo lahaa
bide iyo suldaan
sidaan balaf ku helay
suguliyo in badan
oonan baahin karin
iyo weliba boqol
boqolaal halyeey
bu'da iyo halkii
soo barbaarisee
badankeeda iyo
badhtankeeda tii
ku barbaarisee
ku bishee aqoon
baaxad garasho liyo
garaadkow bidhaay
udubkiyo bulshada
intay beeshu taal
benderada dhamaan
marka laysu bu'u
maarka laysu baxo
birmad iyo markii
loo baahdo dirir
markay bowsigiyo
taalo baahdo ee
bilaawuhu sanqadho
inuu buuhiyuhu
taabto bowdadoo
budulku is qabsado
burcooy tan iyo waa
inaad ugu bilayd
balafbaan ku helay
maantana burcooy
waa balaysinkii
aniguna burcooy
maantaa kuuma bogin
mana garan biyaha
ba'e lagugu shubay
beredkiyo sidaan
kuu dhibayn beledu
bi'iwaaye sida
aad bilkeed u tee
buunku kuugu dhacay
badhahaaga kii
ku dhashaa ka baxay
baqdin kaala tegay
badhbaa lagu dhugtamay
birmagaydadii
oo boqolboqolabaa
baroon lagu hubsaday
barbaartaadibaa
weli baydadoo
dulmi lagu bartiray
basra dumar dhamaan
bagagidii haween
waa badh ay hengefi
bafto saarantiyo
qaar bililiqada
lagu bahiyoo
bayan loo kufsaday
iyo qaar badheedh
baaruud loola dhacay
iyagoon wax bi'in
waad baylahdee
burcooy mee abwaan
boosaagi iyo
meeyey boqol jirkii
barfasooradiyo
waxaad bare lahayd
iswaydii burcooy
bal xagay mareen?
ciidamadii burdiga
buruudkoww lahaa
barqo qudha kuwii
buuraha jigjiga
sida bilig ku maray
ee baabuliyo
herer looga baxay
xabashigu ka baqay
yaa baday dirsooc?
aaway kuwii burcooy
bidhaan kuu ahaa
ee la begsan jiray
baayacal mushtari
ma haaad biidhi baa
boqnahowgu xidhan
xabsiyadi badnaa
iyo boqol jirow
yay beerka iyo
u jiifaan bogoo
badhkay deris la yiin
allaylehe burcooy
hadaad beri ahayd
birlab iyo hormuud
biixi iyo hadii
aad ahayd baxdow
ama baalal adag
iska bacin kara
baylahdaanayn geyin
iska baajin kara
belediyo dulmiga
iska baydhin kara
boqor aanayn rabin
wax buun buunintii
berrigaba wataa
boqol iyo kun mudan
loola dhacay baroon
baasuukiyo shilkaha
birta lagu xidhxidhay
bohol iyo hog wayn
wadar loo bud dhigay
baadashiyo indhuhu
iyagoo bayaan
u arkay bu'duna
anay baylah tebin
bilistaa dhamow
ka baroortay dhiig
ba'ayeeyda guray
barbaar iyo ragii
umay beernixine
boga dhiinka hiyo
barjahaa dareen
li'i loo barkaday
bilanaaba bilan
ba'anaaba ba'an
kuumana bigayn
wax kaloo burcooy
berri kuu haboon
ha u baqan burcooy
bustahan urugadiyo
habta waad kaa bixi
waad ka kori biqlaha
waad ka bidhan hiyiga
muuqaad ka bilan
biixida laftiyo
dhuuxaa burcadi
dhaymo lagu bogsiin
buraha dalkaa
laga baadhi dahab
badrool baa la heli
waxaad beegsanoo
kuu bixi dhawaan
badar iyo galey
beerahaad ku hiran
nabad baad bud dhigi
dowlad bahsan baad
ku binayn aqoon
ha u biqin burcooy
waxa kula biliya
baashaada iyo
barbarkaaga tuban
bixindula iyo
berberiyo abdaal
waxa kula bulsho ah
ceeg boodhley iyo
baalidhayiyo gar adag
oodwayniyo badhaha
baalaha dunbuluq
berdihii jig jiga
gebileey burcooy
boon iyo diliyo
aday booramiyo
badhan iyo sanaag
gurmad kuu baxsheen
ee badilkiyo
boga iyo ku hay
beerkiyo qalbiga
badhadhiyo samaan
 
 
abwaan maxamed yaasiin maxamed
   0032499816053  bilgam